HomeUncategorized

Ciidamada dawladda federaalka, Ahlu sunnah iyo Al-Shabaab oo dagaal ku dhex maray degmada Luuq.

Gedo, Jan, 26 - Dagaal xoogan oo sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenkii xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.
War saxaafadeed: Talo bixin dhacdooyinka nabadgelyo darro ee Puntland.
Qaar kamid ah beelihii ka Qayb-galayay Shirka Cadaado oo isaga baxay magaaladaas

Gedo, Jan, 26 – Dagaal xoogan oo sababay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenkii xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weeraro kusoo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Ahlu-sunah waljamaaca ay ku leeyihiin degmada Luuq.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Ahlu-Sunah waljamaaca Sheekh Isxaaq Xasan Mursal oo u waramay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay dagaalkaasi inaysan wax khasaaro ah kasoo gaarin xoogagooda,taa badalkeedana waxaa uu sheegay inay dagaalka khasaaro ku gaarsiiyeen ururka Al-Shabaab ee dagaalka la galay.

Dhinaca Al-Shabaab ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen dagaalkan kadhacay xalay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: