Site icon Radio Daljir

Ciidamada Danab oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay tabisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay n ciidamadu ay saaka maleeshiyada Al-shabaab ka saareen Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka dawladda ayaa jab gaarsiiyey maleeshiyada oo muddo dhibaato ku haysay bulshada deegaankaas, waxayna ciidamadu deegaanka ka wadaan hawlo miinooyinka jidadka looga saarayo, taas oo shacabku ay soo dhaweeyeen.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.

Exit mobile version