Ciidamada Booliska Puntland oo maanta tababar uga furmay kulliyadda degmada Carmo

Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (Daljir) —Inta badan ciidamada Booliska Puntland ayaa maanta tababar uga furmay kulliyadda tababarka ciidamada degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana tababarkan si ramsi ah u furay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Puntland dhowaan loo magacaabay Kornayl Cabdirisaaq Afguduud.
 
Kornayl Afguduud oo ka hadlay madasha furitaanka tababarka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada tababarkani yahay in kor loo qaado tayayada tababarada ciidamada Booliska Puntland.
 
\’\’Waxaan go,aanku gaaray furitaanka tababarada noocan ah kadib markii aah u kuurgalay tayada iyo tababarada ciidamada Booliska Puntland, waxaan is barbar dhigay Booliska Puntland shalay oo aan hogaaminayey tayadoodii xiligaasi iyo maanta waxaana qorshayey inaan u furo tababaro waxku ool ah oo kor loogu qaadayo xirfadooda tababar ahaan iyo tayo ahaan\’\’Ayu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Afgaduud.
 
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in Ciidanka ay u samaynayaan Aqoonsi,isla markaana ay helayaan Xuquuqdooda,marka uu noqdo Askari garanaya Waajibaadka Qaran ee saaraan,wuxuu sheegay in laga gudbay waqtigii Puntland ay u diiwaan gashnaan jireen Kumanaan Askari ayna shaqayn jireen Askar kooban.
 
Afguduud ayaa dhinaca kale xusay in inta uu socdo tababarkan oo ayka qayb-gelayaan inta badan ciidamada Booliska Puntland ay shaqadii Booliska sii qaban doonaan ciidamada Birmadka ee u tababaran sida Mlateriga.
 
Kornayl Afguduud oo horay usoo hogaamiyey Booliska Puntland waxaana uu ballan-qaaday inuu isku taxalujin doono dhismaha ciidamada Booliska Puntland iyo tayayntooda, waxaana shacabka Puntland si diiran usoo dhowayeen tallaabooyina ciidamada lagu tababarayo ee ka socda xiligani gudaha Puntland.
 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com