Ciidamada booliska oo gaadiidkooda dagaalka ku hubaysan oo galay xarunta Daljir Bosaso

Taliye kuxigeenka qaybta booliska gobolka Bari Cabdirashiid Aamusane iyo ciidamo uu wato oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa mar kalle saakay gudaha u galay xarunta warbaahinta Daljir ee Bosaso, iyadoona weerarkan uu yahay kii afaraad ee ciidamada ay ku weeraraan radiyo Daljir xarumihiisa Garoowe iyo Bosaso labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Radio Daljir ayaa soo bandhigay tacadiyo jir dil, xabsi iyo hanti lagala wareegay maxaabiis aan wax xukun ah lagu ridin, arrinkaasi oo taliyaha booliska Puntland Gen. Muxyadiin uu aad uga carooday isagoona ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono warbaahinta Daljir, maadaama ay shacabka usoo bandhigtay tacadiyada lagu eedeeyey inuu gaystay, ciidamada Taliye Aamusane uu wato ayaan sidoo kalle wadan wax warqad ah oo maxkamadeed marka laga reebo gaadiidka dagaalka oo lagu khalkhalgliyay shaqaalaha xarunta Daljir ee Bosaaso.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ciidamada booliska oo gaadiidkooda dagaalka ku hubaysan oo galay xarunta Daljir Bosaso”

  1. […] 09:23a.m. local time on Monday 16 September, 2019, armed police officers led by Bari Regional Police Commissioner Abdirashid Amusane forcibly entered the Radio Daljir’s […]

U Jawaab Somalia’s Puntland police carry out multiple raids on Radio Daljir & briefly shut down radio transmitter | Somali Affairs Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com