Ciidamada badda ee Iiraan oo fashiliyay afduub ay Burcadbadeed Soomaaliyeed u gaysanayeen markab dalkaasi laga leeyahay

Iran,Feb 6 -Maraakiibta dagaalka ee dowladda Iiraan ayaa fashilyay weerar ay kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed ah ay ku doonayeen inay ku afduubtaan markab nooca saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Iiraan oo marayay marin biyoodka Bab el-Mandeb oo isku xira Bada Cas iyo Gacanka Cadan oo kulaala xeebaha wadanka Soomaaliya.

“Markabka saliida waday ee Iiraan wacaa soo weeraray 35 doonyood oo ay wateen burcadbadeeda galabtii Axada ahayd”kuxigeenka taliyaha ciidamada badda Iiraan Admiral Seyyed Mahmoud Mousavi ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa uu intaasi ku daray in maraakiibta dagaalka ee dowladda Iiraan ay had iyo goor ay ku howlanyihiin inay ku gaafwareegaan xeebaha Soomaaliya si’ay uga hortagaan weerarada ay burcadbadeedu kusoo qaadayaan maraakiibta gargaarka iyo kuwa saliidda qaada ee adeegsada xeebaha ku dhawdhaw dalka Soomaaliya.

Ma jirto wax dhaawac ah oo la sheegay inuu howlgalkaan kasoo gaaray shaqaalaha lasocday maraakiibta dalka Iiraan ee laga badbaadiyay afduubka burcadbadeeda.

Ciidamada badda ee dowladda Iiraan ayaa tan iyo sanadkii 2008 waxaa ay howlgallo kadhan ah burcadbadeeda ka wadeen biyaha caalamiga iyagoona ka hortagaya afduubka ay burcaddu u gaysanayaan maraakiibta shixnadaha ay saaranyihiin ee laga leeyahay dalkaasi.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com