Ciidamada amniga ee gobolka Bari oo raadinaya Nabadoon dowladda dhaliilay

Ciidamada amniga ee gobolka Bari oo raadinaya Nabadoon dowladda dhaliilay

Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa saaka qaaday howlgal ay ku doonayay in ay ku soo xiraan Nabdoon lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdi Baydhabood oo kamid ah waxgaradka Puntland.

ciidamada ayaa isku gadaamay xaafada uu ka daganyahay magaalada Bosaaso si ay u soo qabtaan, balse dadka xaafada ayaa sheegay in xiligii ay ciidamada yimaadeen guriga uu Nabadoonku ka maanaa.

warar ay Daljir helayso ayaa sheegaya in gurigii uu daganaa ay ciidamada ka heleen hub iyo joodariyaal farabadan oo ah nooca lagu seexdo.

Cabdicasiis Cabdi Baydhabood ayaa dhawaan waxaa uu si kulul uga hadlay qaabka ay Shirkadda DP World u maamushio Dekadda Boosaaso oo uu ku dhaliilay inay mas’uul ka yihiin Madaxda Puntland.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan sababta Nabadoonkan loo raadinayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • DP WORLD WAA SHIRKAD TUUGO AH.
    OK..UAE WAXAY GEED DHEER & MID GAABANBA UFUULEEN IN AAN GEESKA AFRICA LAGA SAMAYN WAX DEKED AH OOLA TARTAMI KARTA DEKADA DUBIA.WAANA TAAS SABABTA UAE CULAYSKA SIYASADED,DHAQAN-DHAQAALE UGU HAYSO MAAMULADA TAAGTA DARAN EE S/LAND & P/LAND IYADOO “by Cash” KU GADATAY BIIXI & DENI OO AH LABA AY GADATAY UAE