Ciidamada amniga ee gobolka Bari oo markale xabsiga dhigay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac

Ciidamada amniga ee gobolka Bari oo markale xabsiga dhigay Siyaasiga Muuse Cali Jaamac

Siyaasiyiin iyo Waxgarad ayaa isaga cararay magaalada Bosaso, kadib markii taliska qeybta boliiska gobolka Bari uu amar ku bixiyey in la soo qabto siyaasiyiintaasi iyo waxgaradkaasi.

Seddex nabadoon iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii laga soo qabtay guryaha ay ka degan yihiin magaalada Bosaso.

Siyaasiyiin iyo waxgaradka ayaa isaga baxay magaalada Bosaso, halka kuwa kale ay ku dhuumaalaysanayaan gudaha magaalada Bosaso.

Waxgaradkan iyo Siyaasiyiintan ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay Bosaso, oo lagu dhaliilayey xukuumadda Puntland.

Taliye ku xigeenka qeybta boliiska gobolka Bari Aamusane oo wata gaadiid dagaal ayaa ku gaaf wareegaya guryaha ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo waxgaradka isaga cararay magalaada Bosaso.

 

Kulan jimcihii ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Odayaal iyo siyaasiyiin waxaa eedeymo loogu soo jeediyay Maamulka Puntland, taasoo ah in shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyadoo horay Shirkadda DP ay u heysatay qandaraaska Dekeda Boosaaso ee ballaarinta iyo dhismaha dekeda, waxaana ay ugu baaqay Xukuumadda Puntland inay ka laabato heshiiskaas oo ay ka baxdo, maadaama waqtigii loogu tala galay aanay shirkaddu ku fulin. dhismaha Dekedaas.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com