Site icon Radio Daljir

Ciidamada Ammaanka oo rag looga shakisanyahay Daacish iyo Shabaab ka qabtay Bosaso

Ciidamada Ammaanka ee Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka wada magaalada Bosaso ayaa gacanta ku dhigay dad la xiriirinayo inay qayb ka yihiin ammaan darida.

Howlgallo kadhacay magaalada Bosaso ayaa sida saraakiisha ammaanka oo aan la hadalnay ay sheegeen in lagu soo qabtay 9 xubnood oo looga shakinsayahay inay katirsanyihiin Al-shabaab iyo Daacish.

Howlgallo oo xaagfadaha kalle duwan ee magaalada Bosaso ka dhacayay ayaa la soo bandhigin wax cadaymo ah, balse saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya inay wadaan baaritaano kalle duwan.

Bosaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo falal amni darro ay ka dhaceen todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa qaybtood waxaa lagu dilay ganacsato caan ka ah magaalada Bosaso.

 

Exit mobile version