Site icon Radio Daljir

Ciidamada ammaanka ee Jubaland oo qabtay askarigii gabadha kudhaawacay Bosaso

Ciidamada sirdoonka ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ku xiray askari katirsanaa ciidamada Puntland oo dhaawac ugu gaystay magaalada Bosaso gabar 17-jir, kadib markii uu isku dayay inuu kufsi uu u gaysto.

Ninka la qabtay ayaa lagu magacaabaa Cabduqaadir Warsame oo horay uga tirsanaa ciidamada badda ee Puntland, balse markii dambe baxsaday.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya ninkaasi lasoo qabtay inuu ku sugnaa guriga mid ka mid ah masuuliyiinta maamulka Jubalaland oo ay ehel ahaayeen, waxaana la filayaa in lagu soo wareejiyo Puntland si xukun loogu qaado falkaasi isku dayga kufsi ee gabadha uu ku dhaawacay.

Gabadha ayaa iminka ku sugan isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayo, waxaana ay inoo xaqiijiyeen eheledeeda inay xaaladeedu kasoo raynayso kadib dhaawac uu gaarsiiyay xubinteeda taranka.

Exit mobile version