Ciidamada Ammaanka Bossaso: “Kontoroolka waxaan ku Qabanay Argagixiso Daacish”

Wararka Daljir Bossaso caawa helayso waxaa ugu horreeya hawgalo ciidamada ammaanka ee magaalada Bossaso ay wadan oo lagu sugayo ammaanka magaalada. Hawlgalada ayaa laga wadaa gudaha iyo daafaha magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howlgaladan ayaa lagu baarayaa dhalinyarada fariisata goobaha lagu shaaheeyo xiliyada habeenkii iyo waliba kantoroolada daafaha magaalada Bosaaso oo aad loo adkeeyey.

Warar aan weli si rasmi ah loo shaacin laakiin aan ka helayno laamaha ammaanka ee gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kantoroolka Bossaso ayaa Radio Daljir u xaqiijiyay in ay ciidamadu kontoroolka Bossaso ku qabteen 10 dhalinyaro looga shakisanyahay in ay kamid yihiin Daacish. Dhallinyarada ayaa la socday gaari wayn oo nooca xamuulka, kana yimid Koonfurta Soomaaliya.

“Saacaddaan waxaa socda hawgallo iyo baaritaano ka dhan ah argagixisada Daacish iyo Shabaab,” sidaas waxaa noo sheegay sarkaal ciidamada ammaanka Bossaso.

Daljir kala soco.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ciidamada Ammaanka Bossaso: “Kontoroolka waxaan ku Qabanay Argagixiso Daacish””

U Jawaab Leylo Tahliil Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com