Ciidamada AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay Muqdisho

Ciidamo la tirsan AMISOM ayaa maanta qaraxyo lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo mareysay Warshadii hore ee Baastada, waxaana qaraxyada xigay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada AMISOM ee weerarka lala eegtay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxyada oo wadada dhineceeda lagu aasay uu khasaare gaarsiiyay Ciidamadii wadada marayay, kuwaasoo markii dambe jiitay mid kamid ah gawaaridooda oo burbur uu gaarsiiyay qaraxa.

“Qaraxa hore markuu dhacay, hadana daqiqiado yar kadib waxaa dhacay kii labaad, Ciidamadii AMISOM xabado badan ayey rideen, annagana cabsi ayaa nagashay, waxaan arkeynay askar qaraxa waxyeeleeyay oo baabuur la sii saarayo” sidaas waxaa yiri qof ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com