Ciidamada Amaanka Jubbaland oo howl-galo ay Kismaayo ka Fuliyeen ku soo Qabtay Rag laga Shakiyay

Sabti, September 05, 2015 (Daljir) —Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo kaashanaya kuwa Daraawiishta ee maamulkaasi ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo kawada xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Howlgaladaan oo socda mudo dhowr beri ah ayaa saraakiisha ciidamada maamul goboleedka Jubbaland, waxa ay sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii loo adkayn lahaa ammaanka guud ee magaalada Kismaayo oo dhammaadkii bishii 8aad uu kadhacay fal Ismiidaamin ah.

Dadkii lagu soo qabtay howlgaladaani mudadii ay socdeen ayaa waxaa lagu sameeyey baaritaano kala duwan, waxaana ay ciidamada ammaanku sii daayeen dhammaan dadkii lagu waayey waxybaahii looga shakisanaa oo u badnaa inay Alshabaab xiriir laleeyihiin.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com