Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo oo xiray wadaado ka tirsan firqada Takfiir.

Galkacyo, APr 22 – Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay howlgallo ay shalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo inay kusoo qabqabteen culimaa?udiin lagu eedeeyey inay ka mid yihiin firqo diimeedka Takfiir.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Axmed Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siinayay radio Daljir ayaa tilmaamay howlgalkan ay sameeyeen ciidamadu inuu ka dambeeyey, kadib markii ay ciidanku shacabka ka heeleen xoggo tilmaamaya in culimada ay dhalinta siinaysay tababaro ka baxsan diinta islaamka.

Waxaa uu sheegay taliyuhu in culimadan laga soo qabtay xaafado ku yaala magaalada Gaalkacyo xiligaana ay baaritaano ku hayaan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay culimaa?udiinka la xiray oo iftiiminaysa eedaha ay boolisku soo jeediyeen, hasse ahaatee dowladda Puntland ayaa horay macaahidda waxbarasho uga digtay dhalinta inay siiyaan casharro ka baxsan diinta islaamka.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com