HomeUncategorized

Ciidamada amaanka ee Garoowe oo sarre u qaaday amaanka & beri oo uu fumaryo shirka Garoowe II

Garowe,Feb 14 -Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sarre u qaaday amaanka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo la filayo maalinta beri inuu ka furmo shirka Garoowe 2 oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota dowladda faderaalka Soomaliya,maamulada Galmudug,Ahlu Sunah Waljamaaca iyo xubno ka socda UNPOS.

10 qof oo ku Geeriyooday weerar ka dhacay Nigiria
WFP oo diyaaraddii gargaar ee ugu horreeysey soo gaarsiisay Muqdisho.
Nabadoonada gobolka Bari oo soo dhoweeyay howlagalo ay ciidamada amaanku wadaan

Garowe,Feb 14 -Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa sarre u qaaday amaanka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo la filayo maalinta beri inuu ka furmo shirka Garoowe 2 oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota dowladda faderaalka Soomaliya,maamulada Galmudug,Ahlu Sunah Waljamaaca iyo xubno ka socda UNPOS.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Nugaal Faarax Warsame Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay ciidamada inay horey waayo arrag uga qaateen shirarkii kale duwanaa ee horay loogu qabtay Garoowe oo uu jawi nabdgalyo ah ay kusoo afmeereen.

“Shirkan Garoowe 2 waxaanu rajaynaynaa inuu guul ku dhamaado sidii shirarkii hore ay uga dhaceen Garoowe kuwo heer Puntland ah,kuwa Soomaaliya iyo kuwo caalami ahba intuba waa lagu qabtay,si guul ah ayay ku dhamaadeen”ayuu yiri taliyaha qaybta booliska ee gobolka Nugaal Faarax Warsame Cabdiraxmaan.

Waxaa uu sidoo kale taliyaha uu sheegay inay diyaar yihiin qorshihii sugidda amaanka Garoowe iyo ciidamadii sugi lahaa amniga.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayay ka qaybgalyaasha shirka Garowe 2 oo kala matalaya maamulada Galmudug,Ahlu-sunah iyo dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: