CIA-da Maraykanka oo duqayn ka fuliyeey Somaaliya

CIA-da Maraykanka oo duqayn ka fuliyeey Somaaliya

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeymaha cirka ah ee lagu qaado qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka qeybgalaan hay’ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da sida lagu daabacay warbixin ay qortay jariirada The Natien.

Qoraaga warbixintan ku daabacay jariiradan ayaa sheegay in uu wareysiyo ka qaaday illaa 25 ruux oo ka soo barakacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kadib markii deegaanada ay ku noolaayeen la duqeeyay.

Baaritaanka uu sameeyay saxafigan ayaa lagu ogaaday in ay jiraan duqeymo ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koofureed kuwaasoo aysan taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM aysan sheegan inay ka dambeeyeen.

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn gaareysa 45 ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018 halka sanadkii ka sii horeeyay ay duqeyntaasi ahaayeen illaa iyo 35 jeer,halka 14 jeer ay ka ahayd sanadkii 2016.

Hase yeeshee waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay in ay ka badan tahay 45 jeer duqeyntii sanadkii hore kuwaasoo aysan Africom sheegan inay ka dambeeyeen.

Duqeymahaas oo gaarayay illaa saddex jeer ayaa la ogaaday inay ka dhaceen deegaanka Qalimow oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe,deegaan hoostaga degmada Marka iyo duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Ow-Dheegle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com