Ceel-biyood ku yaalla Laanmaddow oo katirsan gobolka Mudug oo xarigga lagga jaray

Laan-maddow, June 11, 2013, laanmaddow oo kamid ah gobolka Mudug ,islamarkaasina dhanka waqooyi ka xigta qiyaastii 70’KM ayaa lagga hirgaliyey ceel biyood ay gacan ka geysatey Hay’adda bisha cas.

guddoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jamac tigey oo xariga ka jaray furitaankii ceelkaasi hadalna ka jeediyey ayaa ugu mahadceliyey hay’adda bisha hirgalinta mashruucaan biyaha ee deegaanka laanmoddow, sido kale sarakiisha hay’adda bisha cas xafiiskeeda gobolka Mudug oo halkaasi goob joog ka ahaa ayaa dadka degaanka kula dar daarmay inay ilaashadaan ceelkaas, iyo biyaha nadiifta ah oo dadaal badan ay u galeen sidii dadka deegaanku? u heli lahayeen.

dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan degaanka laanmoddow ayaa soo dhaweyey furitaanka ceelkaan biyaha waxaana ay tilmaameen hadda kadib baahi badan oo biyood inay daboolmi doonto, iyagoo sido kalana u mahad celiyey cidkasta oo isku howshay gacana ka geysatay hirgalinta mashruucaan biyaha nadiifta ah oo iminka loo hirgaliyey.

deegaanka laanmaddow oo katirsan gobolka mudug ayaa ah tilmaan ahaan meelaha lasheeggo inay ku yar yihiin cabidda biyaha nadiifka ah wuxuuna ku yaalla waqooyiga galkacyo dhulka looyaqaano dhul ciideed, waxaana awal dadka ku nool u biya doonan jireen magaalloyin badan oo? daris la ah ,ama in doora ah u jira sida Doggob, Galxamur Bursaalax, Goldogob iyo meele kale oo u dhow, waxaana muuqata iminka inuu ceelkaan bisha cas hirgalisay dabooli doono baahidii biyo la’aaneed ee ka jirijirtey laanmaddow.

Idle Moallim Omar
Radio Daljir
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com