Site icon Radio Daljir

Cayaaraha Puntland oo sadex sano kadib kusii socda meeshii ugu hoosaysay (dhegayso)

Wasiirka cayaaraha, dhalinyarada shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland ayaa maalinimadii shalay magacaabay shan xubnood oo uu u magacaabay xiriirka kubadda cagta Puntland, waxaana shanta xubnood ku jira xubnihii sadexdii sano ee lasoo dhaafay ku jiray xiriirka kubadda cagta Puntland.

Puntland sanadihii lasoo dhaafay kama dhicin cayaarihii kubadda ee naadiyada heerka koowaad iyo labaad, waxaana magaalooyinka qaar joogsaday tartankii kubadda cabgta ee xaafadaha.

Arrimahan ayaa sabab looga dhigayaa is qabqabsi ka dhex jira xiriirka kubadda cagta ee Puntland sanadihii lasoo dhaafay, balse arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in dhalinyaradu doonayeen inay xiriirka kubadda cagta ay sanadkan ay iyagu soo doortaan, balse taasi ma dhicin oo wasiirka waxaa uu dib uu u magacaabay shantii xubnood ee horay rag ku jiray, kuwaasi oo lagu eedeeyo musuqmaasuq iyo in cayaaraha kubadda cagta Puntland uu hoos u dhacay, marka lala bardhigo Muqdisho iyo Jubaland.

Hoos kadhegayso Abshir Cali Yuusuf iyo cayaaryahan hore Hoolif oo sharaxaya.

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5cb30c8201010001ed89a1e9/bashir+iyo+hoolif.mp3?_=1
Exit mobile version