Cawad: “Maxaabis ma is dhaafsan karaan maamulo aan weli heshiis wada galin?” (waraysi | dhegayso)

Cawad: “Maxaabis ma is dhaafsan karaan maamulo aan weli heshiis wada galin?” (waraysi | dhegayso)

Guddoomiyaha Ururka Midnimada Maakhir, Cawad Cabdiraxmaan Xirsi, oo waraysi gaar ah siyeey Radio Daljir ayaa ka hadlay xaaladda gobalka Sanaag iyo maxaabisti dhawaan ay is dhaafsadeen Puntland iyo Somaliland.

Ugu horeyn Cawad ayaa dhaliilay qaabka ay Puntland iyo Somaliland maxaabista isku dhaafsadeen iyadoo ay weli jirto colaad u dhexaysa labada dhinac isla markaana degaano Puntland ka tirsan Somaliland gacanta ku hayso, walina ay Somaliland duullaan ku tahay gobalka Sanaag.

Cawad ayaa waxa uu yiri, “maxaabiis waa ay is dhaafsan karaan dowlado heshiis ah, balse maxaabiis isma dhaafsan karaan maamulo dagaal ka dhexeeyo oo wali heshiis aan wada galin.”

Cawad ayaa waxaa kale oo uu shaki ka mujiyeey kulan ay Dubia ku yeeshaan Madaxweyne Deni iyo Muuse Bixi.

Dhinaca kale Guddoomiye Cawad ayaa ka hadlay ciidamo dhawaan ka soo gooystay Somaliland oo Puntland ku biiray kuwaas oo ka soojeeda gobalka Sanaag, waxa uuna sheegay in ciidamadaas sidii ay gobalkooda u xoreyn lahayeen in muddo ah laga shaqeynayey.

Waxa uu u warramay Maxamed Lakiman oo ku sugan Daljir Garoowe.

Hoos kaga bogo.

Hoos ka daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com