Category: Wararka

  • Sare ukac kuyimid qiimaha lakala siisto xoolaha ee seylada Bosaaso (dhegayso)

    Sare ukac kuyimid qiimaha lakala siisto xoolaha ee seylada Bosaaso (dhegayso)

    Qimaha xoolaha ee seylada Bosaaso ayaa heerkii ugu sareeyay gaaray , waxaana yaraaday xoolohii ka iman jiray gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya ee loo soo iib geynjiray  magaalada Bosaaso . Sare ukaca ku yimid qiimaha xoolaha ayaa loo sababeenayaa  xoolaha oo laga keeno gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya .   wariyaha Daljir ee Bosaaso C/xakiin…

  • Isimada Puntland oo deeq  gaarsiiyay dadkii ku barakacay colaadii Dhumey (dhegayso)

    Isimada Puntland oo deeq gaarsiiyay dadkii ku barakacay colaadii Dhumey (dhegayso)

    Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa deeq raashin ah waxa ay gaariisay dadkii ku barakacay deegaanka dhumay ee gobolka Sool .  Deeqdan ay ka koobneed  Bur , Bariis,  iyo Sonkor . Sideekale Isimo uu ka mid ahaa Islaan Ciise ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowladd deegaanka Itoobiya halkaasi oo ay taalo gogoshii lagu dhex dhaxaadinayay…

  • Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

    Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

    Kulanti wanaagsan ku soo dhowaada barnaamijkii duhurnimo ee Xulashada Daljir oo xiiso gaar ah xambaarsan, waxaana maanta xarunta Idaacadda Daljir ee magaalada Bossaso kasoo jeedinaya Xasan Heykal. Xulashada Daljir waxaa idiin sahashay shirkadda GOLIS. Isgaarsiin waa Golis. Isgaarsiinta gayigeena. Adeeg casri ah yuu ku seegin adna ha seegin oo ha ka maqnaan baraha bulshada. GOLIS,…

  • Kaluumaysatada degmada Gumbax oo ka cabanay doonyaha jariifka ah (dhegayso)

    Kaluumaysatada degmada Gumbax oo ka cabanay doonyaha jariifka ah (dhegayso)

    Maamulka degmada Gumbax ee gobolka Garada fuu ayaa sheegay in ay ladagaalami doonaan  doonyaha jariifka ah  ee sida sharcidarada ah uga kaluumaysta xeebaha Puntland . Gudoomiye kuxigeenka degmada gumbax ee gobolka garada fuu Abshir jaamac Yuusuf ayaa radio Daljir uga waramay  talaabooyinka ay damacsan yihiin in ay qaadaan . http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5bf290390201000a4edbbef5/Gudoomiye+kuxigeenka+.mp3

  • Askari katirsanaa ciidamada Jubaland oo xukun toogasho lagu fuliyay

    Askari katirsanaa ciidamada Jubaland oo xukun toogasho lagu fuliyay

    Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku fuliyay marxuum Cabdirisaaq Cumar Cabdulaahi oo horay u dilay nabadoon Xasan Goolo oo ka mid ahaa nabadoonada Jubaland. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay goob gaar ah oo lagu toogto dadka dambiyada gaysta oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo.  

  • Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay wadanka Talyaaniga

    Madaxwayne Farmaajo oo u dhoofay wadanka Talyaaniga

    Madaxwayaha Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.…

  • Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin

    Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin

    Mucaaradka hubaysan ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin, lana joojiyo duqaymaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ay ka wadaan wadanka Yemen. Qoraal kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin xabad joojin haddii isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ay doonayaan nabad. Cadaadis caalami ah ayaa la saaray dhinacyada ku dagaalamaya…

  • Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee maanta

    Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee maanta

    Golaha baarlamaanka ee Soomaaliya gaar haana aqalkiisa hoose ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa warbixinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka mashruuca liilitirka. Dadka dhaliila dowladda ayaa ku eedaynaya in baarlamaanka Soomaaliya oo uu gaabiyay arrimo badan oo siyaasadda gudaha…

  • Geelle iyo Abey oo xiriirkooda ka wada hadlay

    Geelle iyo Abey oo xiriirkooda ka wada hadlay

    “Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Workneh oo ka hadlayay kulanka Addisbaba ku dhexmaray madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.…

  • Xasan Sheekh oo ku wajahan Jubaland

    Xasan Sheekh oo ku wajahan Jubaland

    Madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaynaya inuu booqdo magaalada Kismaayo e xarunta gobolka Jubada hoose, iyadoo uu wali xunyahay xiriirka wada shaqayneed ee dowladda faderaalka iyo dowlad goboleedyada. Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya wafdi horudhac u ah booqashada Xasan Sheekh inay gaareen magaalada Kismaayo, iyadoona ammaanka siwayn loo…

  • Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Arooryo suubban dhegaystayaal! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe ka soo daadihinaya Cabdifataax Cumar Geeddi. Saaka & Dunida kaga bogo wixii aroortan warar ugu horreeyey, dal iyo dibad, hana illaawin in aad fiiro, faallo ama falcelis nala qaybsato. Hoos ka dhegayso. http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5bf2116afd0000ef84c6136b/SD_Geeddi_Garowe_19_Nov_2018ok.mp3

  • Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Arooryo suubban! Intiina saaka jarmaadaysa ku soodhawaada warkii subaxnimo, waxaana aroortan idiin akhrinaya Maxamed Lakiman oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Hoos ka dhegayso. http://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5bf20fb8010100c39145c098/Warka+Subaxninimo+SD_M+_Lakiman_19_Nov_Garowe.mp3

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com