Category: Wararka
-
MAANHADAL: Maxaa kasoo bixi kara shirka Garoowe ay ku yeelanayaan madaxda dowladda faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah? (dhegayso)
Kulanti wacan oo wanagaansa dhagaystiyaal meel walbaad dunida kajoogtaan kusoo dhawadda Barnaamijka Maanhadal oo jimco walba an ku falanqeyno xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hadba mowduuci taagan. Barnaamijka Maanhadal Todobaadkan waxaan kusoo qaadan doonaa wax yaabaha kasoo bixi kara shirka Garoowe ay ku yeelanayaan madaxda dowladda faderaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo balan qaadka…
-
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Kulan wanaagsan ku soodhowaada warka duhurnimo ee Radio Daljir waxaana maanta oo Jimce ah soo jeedinaya weriye Xuseen Cabdi Jimcaale. Hoos ka dhegayso
-
Minneapolis: Laba Caruur ah oo ka soo dhacay dabaq 4-aad guri kuyaala Minneapolis (dhegayso)
Wararka naga soo gaaraya magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Laba Caruur ah oo Soomaali ah ay ka soo dhaceen dabaqa 4aad guri ku yaala magaalada Minneapolis. labada caruurta aha ayaa la soo sheegaya in mid kamid ah uu goobka ku geeriyooday, waxaan goobta soo gaaray ciidamada Booliska. Qaar kamid ah dadkii goobta…
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed oo Garoowe soo gaaray (Sawiro.)
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid CabdullaahI Deni, Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cismaan Karaash iyo masuuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Diyaaraha ee Gen, Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Maxaxmed Xasan Lafta Gareen. Wafdigan iyo Wafuud kale oo saacadaha soo socda…
-
Soomaali Galbeed ama Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed DDS (Maqaal)
Markii erayadaas aad maqashid gudaha naftaada waxaa isku ceyrsanaya waxyaabo badan, sooyaal dheer oo halgan ah, dhibaato badan oo gumeysi, dhacdooyin badan oo xanuun badan, Qabaa’il badan oo Soomaaliyeed noloshoodii iyo reer guuraanimadoodii. Marka aad cagaha soo dhigtid garaadkaagu wuxuu gadaal u noqonayaa go’yaashii gayigaan ay ku noolaayeen Garaad Wiil Waal, Raage Ugaas, Dagaaladii Geri…
-
Waa sidee xaalada deegaanka Bariire oo ay la wareegeen ciidamada Danab ? (Sawiro)
Ciidanka Danab Ee Kummaandoosta Soomaaliya ayaa Xaqiijiyey Amniga Deegaanka Bariire oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose, halkaas oo laga eryey kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, kadib howlgalo Qorsheysan oo Ciidanka deegaankaasi ay ka sameeyeen. Ciidanka gaarka ah ee Danab oo watay Gaadiidka dagaalka, ayaa shalay dhowr jiho kasoo galay Deegaanka Bariire oo…
-
Dood kadhashay qodob muddo kordhin ah oo ay baarlamaanka iyo madaxda dowladda dhexe samaystaan
Dood ayaa ka taagan qodob muddo kordhin ah oo ay samaystaan madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka. Qodobkan ayaa ka mid ahaa qodobadii sharciga doorashooyinka ay shalay ansixiyeen golaha xukuumadda. Maamulada dalka kadhisan ayaa siwayn uga soo horjeestay muddo kororsi ay samaystaan madaxda dowladda dhexe. Haddaba qodobkan ayaa u qornaa sidaan hose.
-
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe inoo ka daadihinaya Khadar Cawl Ismaaciil. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.
-
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Caweysin wanaagsan! Ku soodhowaada barnaamijkii caweysnimo ee Caawa & Daljir, waxaana xarunta Idaacadda Daljir ee magaalada Garoowe caawa ka soojeedinaya wariye Khadar Cawl Ismaaciil. Hoos kaga bogo wixii caweysinkan warar ugu horreeyey, dal iyo dibad.
-
Safiirkii Masar ee Soomaaliya oo Bosaaso ka amba baxay (dhegayso)
Dowladda masar ayaa maamulka Puntland ka balan qaaday in mashaariic horumarineed ay ka fulinayso deegaanad Puntland, xili maanta safiirka Masar ee Soomaaliya uu ka ambabaxay magaalada Bosaaso. Warbixi Cabdiraxmaan Xudayfi.
-
Shirkii Haweenka Puntland oo maanta soo Xidhmay iyo qodobo laga soo saaray( dhagayso )
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey shirweynaha haweenka Puntland oo afartii maalmood ee ugu dambeyey ka soconayey magaalada Garoowe. Waxaa shirkaas laga soo saaray qodobo shirka looga dooday mudadii afarta maalmood ahayd ee shirku uu soconayey.
-
Xukuumadda Oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka
Muqdisho; Khamiis, May 02, 2019 — Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Ujeedooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir…