Category: Wararka
-
Tartan iyo Tacliin Habeenkii3-aad Wareegii 2aad iyo Dugsiyadii ku tartamay (dhegayso)
Waxaa si habsami leh uga socda Xarunta Radio daljir barnaamijka xiisa leh ee Tartan iyo Taclin oo ay ku tartaman dugsyadda sare ee Puntland. Wariye Xasan Heykal ayaa warbixintan ku eegaya dugsuyadi xalay tartamay.
-
Ha ku Afurin Cabitaan aad u qaboow (Maqaal)
Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,waxaa kaloo aad loo bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badnaadeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo isticmaalin, kuwa kalena looba baahneyn xilliga…
-
Maraykanka oo duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan dalka Soomaaliya
Ciidamada Maraykanka ayaa duqeyntii 37aad ka fuliyay sanadkan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya shalay oo Arbaca ahayd iyadoo ay duqeymahan ay lagu kala qaaday maleeshiyaadka Al-Shababa iyo Daacishta Soomaaliya. Duqeynta ugu dambeysay ayaa lala beegsaday saraakiil ka tirsan ururka Daacishta Soomaaliya oo ku sugan buuraha Golis ee Maamul Goboleedka Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay…
-
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay…
-
Alshabaab iyo ciidamadda Jubbaland oo dagaal dhexmaray
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal duleedka Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo Ciidan oo ka timid deegaano ka tirsan duleedka Kismaayo,xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Baarka…
-
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe inoo ka daadihinaya Khadar Cawl Ismaaciil. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad
-
Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegey Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixyey booqashada Madaxweynaha uu ku tegey Qabriga naxariistii Jano Alle hasiyee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed. “Madaxweynaha…
-
Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)
Kulan wanaagsan ku soodhowaada warka Fiidnimo ee Radio Daljir waxaana Caawa oo Jimce ah soo jeedinaya weriye Jaamac C/raxmaan oo ku sugan Daljir Garoowe. Hoos ka dhegayso
-
Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista wadooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul…
-
Ciidamadda Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay nafti halige halaagi lahaa Culumo (Sawiro)
Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Maanta ka hortageen,isla markaana ay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa kaas oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madax ka tirsan Maamulkaas oo ku taalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Munaasabad loogu baroor diiqayay askartii ku geeriyootay dagaal ay Ahlusunna Galgaduud kula gashay Al-Shabaab ayaa saraakiil…
-
Qaar kamid ah qalabka dhismaha dekadda garacad oo Jariiban gaaray (dhegayso)
Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Jariiban ee gobalka Mudug ayaa soo dhaweyeey gaawaarida qaybta ah dhismaha dekadda garacad ee sida qalabka lagu dhisayo dekadaas, Wariye Cabdikhayr Maxamed Jaamac ayaa Warbixintan Jariiban ka soo diray.
-
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Garoowe idinkaga soo jeedinaya Jaamac C/raxmaan Faan Dhe . Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya. GOLIS KU DOORO HAL ABUUR IYO HORUMAR JOOGTO AH.