Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Shirka Maalgashiga.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga. Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda, iyagoo soodhoweeyey magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka …

Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Bulshada deegaanka Huurshe

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ay magacaawday waraaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo socdaal ku maraya deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta waxa ay gaareen deegaanka Huurshe. Hoggaamiyaasha Culumaa’udiinka iyo Bulshada Deegaanka Huurshe ayaa si diiran u soo dhaweeyey xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow. Guddiga ayaa …

Deegaanada Puntland oo kala baranaya sida loo ilaaliyo deegaanka (Dhegayso)

Wasaarada deegaanka, beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa safar aqoon kala kororsi ah u geysey deegaano ka tirsan, Bari, Nugaal iyo Haylan ee Puntland xubno ka socda deegaanada, Jalam, Xarfo iyo Burtinle ee gobolada Mudug iyo Nugaal. Safarkan oo qaatay mudo 7’aad ah ayaa wasaaradu doonaysaa in deegaanada la booqday laga barto sida ay …

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo ka warbixiyeey safaro uu sanaag ku marayo (dhegayso)

Wasiirka arimaha gudaha Federalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo waraysi siiyey radio daljir ayaa ka warbixiyey safar uu ku marayo gobalada haylaan iyo sanaag. Waxaa uu sheegay in duruufo bulsheed ay ka jiraan deegaanadaas dowladuna ay adeegyada aasaasiga ah gaarsiin doonto.

Guddiga doorooshinka KMG ah oo Guddoomiye doortay Muqdisho

Guddiga KMG ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Maanta Doortay Guddoonka Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga ayaa Loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji; Guddoomiye kuxigeenka ayaa isna loodoortay Xil. Maxamed Cumar Caymoy halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Xil. Axmed Xaaji Maxamed Taaw. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa …

Safiirka Qadar ee dalka Soomaaliya oo tegey magaalada Jowhar

Wafdi uu horkacayo safiirka dowlada Qadar ee dalka Soomaaliya Xasan bin Xamza ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle. Xubnaha wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa hay’ada Qadar Charity Cabdinuur Xaaji Cali, Madaxa bisha case ee Qadar Axmed Aadan iyo saraakiil kale. Wafdigan ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad …

Garoonka Dhuusomareeb oo ay la wareegeen ciidamo

Ciidamo dhowaan lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa la wareegay amniga garroonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusomareeb, iyagoona soo rogay amar culus oo ay ka mid yihiin inaan laga dhoofi karin, laganaa soo degi karin. Wararka ayaa sheegaya raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb inuu aad uga carooday talaabadan. Maamulka Ahlu Suna …

Xaaladda dhaawacyada Qatar la geeyey

Dowladda Qatar oo horay loogu eedeeyey inay qayb ka tahay dowladaha Soomaaliya dhibaatada ka wada ayaa dalkeeda u qaaday dhaawacyadii qaraxii kadhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Dhaawacyada oo gaarayay 12 xubnood oo isugu jiray dhaawacyo hore iyo dhaawacyadii qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka ugu weyn …

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com