Category: Wararka

  • Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq ( dhegayso)

    Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq ( dhegayso)

    Kulanti wanaagsan! Ku soodhawaada barnaamijkii caweysnimo ee Caawa & Daljir. Barnaamijku waxa uu caawa idin kaga imaanaya xarunta Daljir Caabudwaaq, waxaana idiin daadihinaya Cabdifataax Cumar Geeddi. Ka dhegayso barnaamijka caawa qodobo xiiso badan iyo gorfayn aad kaga dheragto arrimaha ka taagan Bariga Afrika. Hoos ka dhegayso

  • Madaxweyne Mustafe Muxumed oo safar ku maraya Qabri Dahare

    Madaxweyne Mustafe Muxumed oo safar ku maraya Qabri Dahare

    Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Md. Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa safar ugu ambobaxay magaalada Qabri Dahare ee gobolka QORAXEY. Socdaalka Kusimaha Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu xadhiga ka jaro laydhka 24-ka saac ee laga hirgaliyey Qabri Dahare. Qabri Dahare ayaa xarigjar kahor kamid ahayd magaalooyinka DDS ee aan wali laydhku gaadhin.   Diiwaanka wararka…

  • Madaxweyne Farmaajo oo shacabka uga digay khatarka Cudurka Covid19

    Madaxweyne Farmaajo oo shacabka uga digay khatarka Cudurka Covid19

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19 ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon. Madaxweynaha ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awooddeena dowladnimada, hannaanka nolosha dadkeenna ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan…

  • War-Murtiyeedka Shirka Wasiirka Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed

    War-Murtiyeedka Shirka Wasiirka Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed

    Wasiirka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka CoronaVirus / COVID19. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga. Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee…

  • Warka Caweysin Iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

    Warka Caweysin Iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

    Caweysin wanaagsan, ku soodhowaada Warka Fiidnimo, waxaana warka caawa inoo akhrinaya Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, xarunta Daljir Caabudwaaq. Dhegayste ha illaawin in aad mar kasta nala qaybsato fikirkaaga iyo falceliskaaga.

  • Danjiraha DFS u fadhiya dalka Turkiga oo bulshada la wadaagay talooyin ku saabsan xanuunka COVID-19 .

    Danjiraha DFS u fadhiya dalka Turkiga oo bulshada la wadaagay talooyin ku saabsan xanuunka COVID-19 .

    Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi (Caydiid) ayaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga la wadaagay talooyin iyo Wargelin ku saabsan Cudurka Corona Virus (COVID-19). Danjiraha oo la kulmay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Turkiga ku nool ayaa Xusay in Safaaraddu ay gacan siin doonto dadka Soomaaliyeed ee gudaha…

  • Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

    Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardar-gelinta iyo kamira dhalinta qorshaha sugidda amniga deegaanada Galmudug. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha Amniga degaanada maamulka Galmudug, ee Booliska nabad suggida iyo Milatariga. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ka dalbaday Saraakiisha Amniga dardargalinta howlaha xaqiijinta Ammaanka degaanada Galmudug. Waxaa uu…

  • Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

    Kulanti wanaagsan oo ku soodhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir. Barnaamijka Xulashada waxaa maanta xarunta Daljir Garoowe idinkaga soo jeedinaya Cabdixakiin Xuseen Xasan. Soogudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya. GOLIS KU DOORO HAL-ABUUR IYO HORMAR JOOGTO AH. Dhegayso.

  • Shir  lagu heshisiinayo beelahii ku dagaalamay duleedka Kismaayo oo lagu qabtay  magaalada Kismaayo

    Shir lagu heshisiinayo beelahii ku dagaalamay duleedka Kismaayo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo

    Shir hor dhac u ah heshiis laga gaaro dagaaladii maalmahii la soo dhaafay ku dhexmarayay laba beelood oo walaala ah galbeedka magaalada Kismaayo ayaa dhinacyadii dagaalamay waxaa ay aqbaleen xabad joojin rasmi ah oo la dhexdhigay labadan beeloow. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaarkamid ah wax garadka beelaha gobolka, kuwaasi oo doonaya in heshiis…

  • Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19

    Jubbaland Ganacsatadda uga digtay in ay faa’iido ka raadinayaan saameynta COVID-19

    Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa ganacsatada Jubbaland uga digay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay caabuqqa COCID-19. Jubbaland ayaa sheegtay aysan aqbali doonin in Ganacsatadda ay faa’iido ka raadinayan saameynta cudurkaasi. Jubbaland waxa ay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay Maceeshada…

  • Taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Farey oo saaka la aasay kadib markii xalay lagu dilay Galkacyo.

    Taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Farey oo saaka la aasay kadib markii xalay lagu dilay Galkacyo.

    Alle ha u naxariistee waxaa saaka qabuuraha magaalada Galkacyo lagu asaruuray taliyihii laanta socdaalka gobolka Mudug ee Puntland Cismaan Xaaji Xuseen ‘Cismaan Farey’ kadib markii xalay fiidkii ay dileen rag baskoolado ku hubaysanaa xilli uu ka soo baxay masaajidka HUDDA oo uu ku tukaday salaaddii cishaha. Aaska masuulkaasi, waxaa ka qaybgalay madax dawladda Puntland ah…

  • Qaar kamid ah Culumadda Muqdisho oo diiday in la xiro Masaajidyada

    Qaar kamid ah Culumadda Muqdisho oo diiday in la xiro Masaajidyada

    Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid tallaabadii lagu xiray Masaajidyo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii shalay ay gudaha u galeen Ciidamada Booliska, xilligii salaadii jimcaha. Sheekh Yuusuf Tuurxume iyo Sheekh Maxamed Yaasiin Cabdiwaaxid ayaa sheegay in arrintaas aheyd mid lama filaan ah oo ka soo horjeeda dhaqanka iyo anshaxa islaamka, isla markaana…

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com