Khayre oo shacabka ugu baaqay inay qaatan talooyinka bahda Cafimaadka (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalkeena iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka. “Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda …

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sida uu u dhaqan galay bandowdii lagu soo rogay Muqdisho (Daawo)

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), oo ka war bixiyay sida uu bandawgii uga dhaqan galay magaalada Muqdisho,ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee gartay inay sida ugu habboon dowladda ugala shaqeeyaan dhaqan gelinta bandawga, waxuuna laamaha amniga mar kale faray inay shaqadooda sida ug wagaansan u gutaan. Hoos ka daawo.

Wasiirka Caafimaadka oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa caawa ka hadashay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, dadaallada socda ee lagu xakameynayo, horumarradda la gaaray iyo qorshaha la doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka. https://youtu.be/Gt-16bH8Mf0

Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday 156 qof kiisas cusub oo Fayraska Koroona

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday kiisas cusub oo cudurka Coronavirus, kuwaasoo gaaraya illaa 156 qof oo laga helay Fayraska COVID-19. Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd hal mar mid ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika. Sidoo kale waxay tirada guud ee cudurka Coronavirus noqoneysa 591 ruux oo Jabuuti oo dhan ah, waxaana tiradan …

Somaliland oo sheegtay in la baaray dad looga shakiyeey COVID19

Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado. Kulanka ayaa waxaa lagaga arrinsaday xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus …

Mareykanka oo baaraya suurta-galnimada in Coronavirus ka yimid Sheybaar ku yaalla Wuhan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Sidoo kale Xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ka ogtahay. Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la …

RW khayre oo digniin u diray Ganacsatada Somaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay Shirka Qaran ee ka hortagga Cudurka COVID 19. Kulankaan oo ahaa qaab online ee Internet-ka ayaa waxaa ka qeyb galay Ganacsatada ku nool Gobolkan Banaadir,waxaana diirada lagu saarayay sidii looga hortegi lahaa in Ganacsatada aysan Shacabka maciishada ugu qaaliyeyn maadaama Dowladda ay …