Category: Wararka

  • CADAANI AFHAYEENKA ONLF OO BOOQDAY GABAGABO & QOYSKII AY KA GEERIYOOTAY MUMTAAS CAABBI JEEX

    CADAANI AFHAYEENKA ONLF OO BOOQDAY GABAGABO & QOYSKII AY KA GEERIYOOTAY MUMTAAS CAABBI JEEX

    Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa shalay booqasho tacsi ah ugu tegey qoyska dhalay gabar yar oo afar sano jirtey taas oo ku dhimatay meel god ah oo ay ku go’doonsanayd mudDo lix maalmood ah. Mumtaas Cabdi Jeex waxay ahayd afar jir ay dhaleen qoys beeraley ah oo deggan tuulada Gabagabo oo 41…

  • Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray degmadda Xudur

    Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray degmadda Xudur

    Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, deegaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur…

  • Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi oo Alshabaab ku edeyeey inay huriso colaada beelaha gobalka Mudug

    Wasiirka Amniga Galmudug Fiqi oo Alshabaab ku edeyeey inay huriso colaada beelaha gobalka Mudug

    Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada kala ah; Danab, PSF, kuwa ammaanka Galmudug iyo Xoogga Dalka qeybtooda 21-aad ayaa lagu soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab sidda uu sheegay Wasiirka Amniga Galmudug. Howlgalkaan ayaa ka dhacay degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug gaar ahaan Magaalooyinka Gaalkacyo…

  • Somaliland oo soo bandhigtay kisaas cusub oo COVID-19 ah

    Somaliland oo soo bandhigtay kisaas cusub oo COVID-19 ah

    Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19. War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah. Baadhitaanka 24kii saacadood…

  • Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

    Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

    Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Buhoodle idinkaga soo jeedinaya Axmed Nadiif. Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya. Dhegayso

  • Hogaamiyeyaasha Caalamka oo sanadkan yeelan doonin kullanka guud ee Qaramada Midoobe

    Hogaamiyeyaasha Caalamka oo sanadkan yeelan doonin kullanka guud ee Qaramada Midoobe

    Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe, Tijjani Muhammad-Bande ayaa isniinta shalay ahayd sheegay in hogaamiyeyaasha caalamka aysan magaalada New York u tagi doonin ka qayb galka shirka sannad laha daba-yaaqada bisha September markii uga horeysay 75 sano oo laga jooga dhismaha QM sababa la xiriira cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Waxa uu sheegay…

  • Ganacsade Somaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

    Ganacsade Somaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

    Ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Xasan ayaa xalay lagu dilay magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika. Kooxo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa muwaadinkan ku dilay Xaafada Samora ee ka tirsan magaalada Cape Town, iyagoo goobta ka baxsaday. Inta badan kooxaha burcada ayaa marka ay dilka geystay waxay boob iyo dhac…

  • Jubbaland oo markale shaacisay dagaal ka dhan ah Alshabaab

    Jubbaland oo markale shaacisay dagaal ka dhan ah Alshabaab

    Taliyaha Ciidamaada Daraawishta Dawlad Goboleedka jubbaland Janeral Aadan Moxamuud Goojaar ayaa Booqday furimaha hore ee Ciidamada Jubbaland ku sugan yihiin ee gobolka jubbada Hoose. Saldhigyada uu boqday taliyaha ayaa waxaa kamid ah Deegaanada Buula Guduud,Baar Sanguuni iyo Aar Aare,halkaas oo mararka qaar ay Ciidamada Jubbaland ka sameeyaan howlgallo kala duwan. Taliyaha oo Saraakiisha Ciidamada la…

  • Boosaaso oo laga daahfuray xarun lagu baaro COVID-19 (dhegayso)

    Boosaaso oo laga daahfuray xarun lagu baaro COVID-19 (dhegayso)

    Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shalay magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ka furtay shaybaarka lagu baaro caabuqa Covid19. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa magaalada boosaaso kaga qaybgalay daahfurka shaybaarkan oo laga daahfuray qayb ka mid ah cisbitaalka Boosaaso. Warbixin waxaa ka diyaarisay Wariye Faadumo degan Daahir.

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Bandhigtay Qorshaha Wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee Arrimaha Doorashooyinka

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Bandhigtay Qorshaha Wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee Arrimaha Doorashooyinka

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta DFS ayaa shirka Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay ayaa soo badhigtay qorshe faahfaahsan oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada xaajoodka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee arrimaha doorashooyinka. Soo Bandhigidda Qorshaha ayaa ka dambeysay amarkii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda ee ku saabsanaa dardargelinta arrimaha…

  • HORDHACA: Waraysi Wasiir Dhabancad oo Xasaasi ah & Xaalka PUNTLAND

    HORDHACA: Waraysi Wasiir Dhabancad oo Xasaasi ah & Xaalka PUNTLAND

    Wasiirka Arrrimaha Gudaha Puntland: Bartilmaameedsiga lagu hayo gudoomiyayaasha gobolada Puntland | Xaalka xisbiyada Puntland: KAAH ma adeegsataa hantida dowladda? | Ammaanka Puntland & baqdinta shacabka | Dhismaha Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Tawfiiq | Jidka Tawfiiq & Wadaagsin | iyo qodobo kale oo xaasaasi ah kaga bogo waraysiga Wasiirka oo la soco saaka 7:00AM arooryo…

  • Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

    Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Gaalkacyo inoo ka daadihinaya Xuseen Cabdi Jimcaale Madar. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com