Category: Wararka
-
Sheekh Shariif: ” Shacabka Afgooye ha loo gurmado
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xaalada Magaalada Afgooye ee Shabeellaha Hoose oo uu fatahaad ka sameeyay wabiga Shabeelle. Shariif ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo Shacabka Magaalada Afgooye. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay qeyb qaadan doonto gurmadka dadka ku dhibaateysan Afgooye, waxaa…
-
Madaxweynihi hore somaaliya oo markale si kulul uga hadlay doorashada
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayay ugaga hadleen arrimaha siyaasada dalka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, ayuu shaki geliyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto…
-
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Buhoodle idinkaga soo jeedinaya Axmed Nadiif. Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya.
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadashay fatahaadaha wabiga Shabelle
Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogaga hadlay fatahaadaha ka jira deegaano ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in shir aan caadi ahayn ay ku yeesheen aaladda Zoomka ay ugaga hadleen waxyeellada ay gays-teen fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano hoos yimaad…
-
Wasiirka Gargaarka oo hey’adaha samafalka ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay fatahaadaha saameeyeen
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan LA gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmooyinka dalka. Mundane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka hey’adaha…
-
Guddoomiyaha gobalka Banaaadir faahfaahiyay Khasaaraha ka dhashay guri kusoo dumay Xamarweyne
Dad badan ayaa laga soo badbaadiyay Guri dabaq ah oo kusoo dumay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ka dib markii gurmad ay sameeyeen Kooxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay guri qadiimi…
-
Boqor Burhaan oo ka hadlay shirka Wadatashiga ee dowlad gobaleedyada iyo dowladda Federaalka.
-
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Dhusamareeb
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir dhuusamareeb inoo ka daadihinaya Xuseen Cabdi Jimcaale Madar. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.
-
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Dhuusamareeb (dhegayso)
Kulanti wanaagsan! Ku soodhawaada barnaamijkii caweysnimo ee Caawa & Daljir. Barnaamijku waxa uu caawa idin kaga imaanaya Dhuusamareeb , waxaana idiin daadihinaya Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, dhegayso barnaamijka caawa qodobo xiiso badan iyo gorfayn aad kaga dheragto arrimaha ka taagan Bariga Afrika.
-
Dowladda Federaalka oo ka hadashay fatahaad ka dhacay degmada Afgooye
Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay fatahaad ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Wasaarada ayaa sheegtay in kumanaan qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle. Degmada Afgooye oo ay saameyn ku yeelatay fatahaada ayaa waxaa deegaanada ay…
-
Wasaaradda Cafimaadka DFS oo dhaqaale lagu wareejiyeey
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku wareejiyay maanta oo Isniin ah Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, jeeg lacageed oo dhan $ 50,000 oo ah kaalmo maaliyadeed oo ka timid Sanduuqa is-garab-istaagga Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka si wax looga qabto saamaynta COVID19…
-
Madaxweynaha Puntland iyo shirki wadatashiga dowlad gobaleedyada & DFS
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed…