Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Kampala

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka magacaaban ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Uganda ayaa xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Kampala. Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa ka qeyb galay Siyaasiyiin, Ganacsato iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Uganda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed …

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo magacaabay Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Koofurgalbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne laftagreen ayaa waxaa Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed loogu Magacaabay Aadan Xareed Cumar. Magacaabista taliyahan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhowaan ayuu maamulka Koofurgalbeed ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah …

Qarax ka dhacay Magaaladda Baydhabo & khasaare ka dhashay

Qaraxa oo geystay khasaaro kala duwan, isla markaana jugtiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Gudaha Magaaladaas. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid saarnaa mooto bajaaj, isla markaana uu dhawaan kasoo gaaray dad Shacabka ah oo marayay halka uu …

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Arooryo suubban dhegaystayaal meel kasta oo aad ku sugantihiin! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Garoowe nooga soo daadihinaya cXakiin Xuseen Xasan. Hoos ka dhegayso oo fadlan nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaaga.

Barnaamijka Ilaalinta & Barashada Xaquuqda Aaadanaha | Taxanihii 1aad (daawo)

Kusoo dhawaada daawadayaal iyo dhegaystayaal barnaaj gaar ah oo aan uga hadlayno xaquuqda Aaadanaha ilalainta , Xuquuqda aasaasiga ah ee shaqsiga, isla xisaabtan dadweyne & masuuliyad shaqsi waa midda lagu gaari karo xuquuq bini’aadanimo oo lama taabtaan ah | barnaamijkan ayaa noqon doona mid taxne ah, qeybta 1aad ee barnaamjka waxaa soo jeedinaya wariye Xasan …

Barlamaanka Galmudug oo ansixiyeey sharciga dhismaha Ciidamada Booliska Galmudug

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug.. Sharcigaan ayaa waxaa Baarlamaanka Galmudug u gudbiyay Wasaaradda Amniga Galmudug, waxaana ay uga mahad celisay sharcigaan oo lagu dhisayo Ciidamo boolis ah oo suga amniga degaannada Galmudug. …

BADBAADO: Badbaadi bulshadaada, naftaada, diintaada, dhaqankaaga & jirintaankaaga (daawo | Taxanaha 4aad)

BADBAADI NAFTAADA oo ka qaybqaado barnaamijka BADBAADO | Qaybaha hore ee barnaamijka waxaan uga hadlaynaa safmarka COVID-19 & sida bulshadu ugu baraarugsan yihiin hadda. Qaybaha danbe ee barnaamijkana waa saamaynta xun ee bulshadeena ku dhex leeyihiin tacadiyada & shaqaqooyinka ka dhanka ah haweenka oo mudooyinkii danbe kusoo badanayey Soomaaliya hadaba sida bulshadu guud ahaan ugu …

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Sidee lagu heli karaa deegaan bedqaba dadkiisana ay ilaashadaan (daawo)

Muuqaalka Bulshada waa barnaamij maalinle ah oo aan ku falaanqeyno hadba mowduuca maalinkaas taagan. Waxa aan bulshada ka dhegaysanaa dhibka haysta, hammigooda dad iyo dal, kooda ammaan iyo doorka dowladeed ee bulshadu ka sugayso in ay dowladdu la shir timaado. Ka qaybqaado Muuqaalka Bulshada oo nala qaybso dhaliil iyo waana wixii aad bulshadaada iyo dowladaadaba …