Category: Wararka
-
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (daawo)
Caweysin wacan! Ku soodhowaada barnaamijkii caweysnimo ee Caawa & Daljir, waxaana caawa barnaamijku idin kaga imaanayaa xarunta Daljir Bossaso, waxaana inoo daadihinaya Maxamuud Cabdi Ibraahim. Caawa & Daljir kaga bogo wixii maanta warar ugu horreeyey, dal iyo dibad, hana illaawin in aad fiiro, faallo ama falcelis nala qaybsato. Daawo.
-
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (daawo)
Caweysin wanaagsan! Ku soodhawaada Warka Fiidnimo iyo Wariye Xasan Heykal Daljir Garoowe.
-
Sanaag dad horleh oo laga helay Covid-19| (daawo)
Dhaqaatiirka ku sugan degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa shacabka uga digaysa in ay ka fogaadaan meelaha la isugu yimaado maadaama uu cudirkii mar kale soo laba kacleeeyay. Degmada Badhan ayaa la shaaciyay maanta in laga helay cudurka dad horleh. wariyaha Daljir ee gobolka Snaag ayaa warbixintan ka diyaariyay.
-
Shir ku saabsan u doodista qoondada haweenka Puntland ee dhinackasta oo Garoowe lagu qabtay (daawo)
Shir ku saabsan u doodista qoondada haweenka Puntland ee dhinackasta ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaan ka soo qeybgalay Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland. Cabdiqani Faantastic ayaa warbixintan ka diyaariyay. Daawo.
-
Axmed Karaash oo Gaeoowe kusoo xiray shir looga hadlaayay hor-umarinta mashaariicda degmooyinka Puntland (Sawiro)
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray Guddoomiye yaasha degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka,…
-
Ururka gabdhaha qareenada Puntland oo Garoowe Tababar ugu qabtay gabdhaha ka qalinjabiyay Jaamacadaha (daawo)
Ururka gabdha qareenada Puntland| Uheelanayaasha kuwa dulman ee aan codka lahayn & uqareemida xuquuqda haweenka, ayaa tababar ku saabsan sharciyada Madaniga ah iyo kuwa Ciqaabta ah waxa ay Garoowe ugu qabteen haweenka ka qalinjabiyay Jaamacadaha. Xasan Heykal ayaa warbixintan ka diyaariyay.
-
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Kulanti wanaagsan kusoo dhowaada barnaamijka duhurnimo ee Xulashada Daljir, waxaana barnaamijka xarunta Daljir ee Buhoodle idinkaga soo jeedinaya Axmed Nadiif. Soo gudbinta barnaamijka Xulshada Daljir waxaa sahashay shirkadda isgaarsiinta gayigeena ee Golis Telcom Soomaaliya.
-
Madaxweynaha Galmudug & James swan oo dhuusamareeb ku kulmay
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb…
-
Ciidamadda Badda Puntland oo howlgalo ka sameyeey degaano ka tirsan gobalka Bari
Ciidamada booliska badda PMPF ee Puntland ayaa howlgallo qorshaysan ka sameeyey deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Sanaaag ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Al-Shabaab ay doonayaan in ay hub kala degaan xeebaha bari iyo Sanaag. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Togga Warbad ,Sanqalooc , Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali…
-
Dowlada oo fasaxday Shaqaalaha maalinta Dhalashada Nabi Muxamed
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhammaan shaqaalaha dowladda Federaalka iyo kuwa Hay’addaha gaar ah ay fasax yihiin. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada ayaa lagu sheegay in shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista ee soo socota oo ah 29ka Oktoobar 2020,kuna beegan maalintii uu dhashay Nabiga Muxamed…
-
Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo dhuusamareeb tagay
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa manta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ku so dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU ,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed. Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug…
-
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Arooryo suubban! Ku soodhowaada barnaamijkii subaxnimo ee Saaka & Dunida, waxaana saaka barnaamijka xarunta Daljir Boosaaso inoo ka daadihinaya Wariye Maxamed Lakiman. Hoos ka dhegayso wixii warar saaka ugu horreeyey, dal iyo dibad.