Category: Siyaasadda & Dhaqaalaha
-
Madaxweyne indhasarcaadku talo ma ahee bal mar kale talo isugu noqo!
Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo yahay Soomaali waddani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa la jecel hormar iyo xisillooni. Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo loo doortay in uu dalka hormar iyo xasillooni ku hago. Shaki kuma jiro in kursiga loo doortay maxaa yeelay waxaa la diiday oo laga daalay beentii, boobkii hantida ummadda iyo…
-
Sahra Noor: Daryeelka hooyada, dhallaanka iyo caafimaadka guud (dhegayso)
Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu daran ee hooyadu dhibaatooyin la kulanto waqtiga dhalliinka, taasi oo sabab looga dhigo daryeel la’aanta hooyada iyo ku baraarugid la’aan caafimaadka guud ee hooyada. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka waxa aan ka waraysanay Sahra Nuur oo hadda ku sugan Nayroobi. Sahra Nuur waxa ay haysataa degree kalkaaliso iyo mid hannaanka…
-
Shiikh Cabdinur Saleebaan: “Waa in culumadu soo faragaliso doorashada Puntland si looga hortago kuwa aan bixin mushaarkii shaqaalaha” (dhegayso)
Shiikh Cabdinuur Saleebaan Shire oo kamid ah culumada Puntland oo nagu soo booqday Daljir Garoowe ayaa ka dardaarmaya xaaraantinimada laaluushka waqtigan doorashada ee Xildhibaanada Puntland iyo kan Madaxweynaha. Shiikha ayaa kula dardaarmay culumada Puntlad in ay soo faragaliyaan waxa maanta ka socda Puntland, lana keeno dad waddaniyiin ah oo Alle ka baqaya, ummaddana laga ilaaliyo…
-
Maqal iyo muuqaalo cusub oo ku saabsan dilka Jamal khashoggi oo Turkigu soo bandhigay iyo macluumaadka Apple iWatch-ka Jamaal
Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in Jamaal Khashoggi si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, laguna dilay amar dusha sare ka yimid iyo sida la malaynayo Amiir Maxamed bin Salmaan. Dowladda Turki ayaa tartiib-tartiib maalinba maalinka xiga firdhinaysa warar ku saabsan sida Jamaal Khashoggi loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul.…
-
Turkiga: “Dilkii Khashoggi waxaan u haynnaa caddaymo maqal iyo muuqaal oo naxdin iyo murugo leh”
Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in Jamaal Khashoggi si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, laguna dilay amar dusha sare ka yimid iyo sida la malaynayo Amiir Maxamed bin Salmaan. Wararka illaa iyo shalay laga helayo sirdoonka Turkiga iyo kuwo ay maanta sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Turkiga, iyo…
-
Taliye Cabdullaahi Shire Dhool: “Gurigayga ayaan joogaa Daacishna ima Afduuban” iyo ammaanka Puntland (dhegayso)
Illaa iyo shalay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey warar sheegaya in ay Daacish ay afduubatay Taliyihii ciidamada Booliska Puntland Cabdullaahi Shire Dool. Taliyaha ayaa beeniyay warkaas lagu qoray baraha bulshada, kana baahay warbaahinta qaar. Taliye Dhool ayaa beeniyey warkaas asaga oo yiri, “waxaan ku sugnahay Garoowe, gurigeygaan ku sugnahay.” Taliye Dhool oo dikreeto Madaxweyne Gaas lagu magacaabay…
-
Sirdoonka Turkiga: Dilka iyo jarjarka Jamaal Khashoggi waxaan u haynaa caddaymo laga helay bullaacadaha iyo waliba muuqaal
Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in Jamaal Khashoggi si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, laguna dilay amar uu bixiyey Amiir Maxamed bin Salmaan. Wararka laga helayo sirdoonka Turkiga ayaa sheegaya in 15 sarkaal oo kamid ah ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga iyo dhakhtar ku takhasusay raad-reebka danbiyada ay fuliyeen…
-
Turkiga oo tuhusan in Jamaal Khashoggi lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul (maqal/muuqaal)
Jamaal Khashoggi oo ay ugu war danbaysay maalin Talaado 1:00 PM saacadda Istanbuul, 2 Aktoobar 2018, kaddib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, asaga oo ka doontay dukmentiyo nikaax xaas cusub iyo furriin mid hore ayaa waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Jamaal lagu dhex dilay, deedna jirkiisa ay jarjareen 15 nin oo…
-
Garoowe: Casho sharaf Cabdi Qaybdiid – ammuuraha dastuurka iyo khilaafka siyaasadeed ee Galmudug (daawo)
Khudbadda Cabdi Qaybdiid marka laga tago arrimaha dastuurka waxaa uu ka carrabka ku dhuftay khilaafka Galmudug asaga oo yiri, “waa muhiim in Puntland ay gacan iyo talo ka gaystaan, maxaa yeelay wixii Galmudug ka xumaadaa waa wax Puntland ka xumaada.” Hoos kaga bogo.
-
Warshadda Salladaha Badbaado (Garoowe): “Aan deegaanka badbaadino”
Magaalada Garoowe waxaa maanta xarriga laga jaray warshad deegaan-u-roon ah, lana magacbaxday Warshadda Salladaha Badbaado. Warshadda ayaa qorshaheedu yahay in ay daboosho baahiyaha salladeed ee dalka oo dhan, oo dhammaan wixii awal bac ama balaastik ka samaynaa lagu baddalo, lana helo ayaga oo ka samaysan dun iyo suuf. Salladaha warshadda badbaado markii la tuuro waxa…
-
Siyaad Cali Jaamac iyo buuggiisa “20 Sano iyo Sooyaalkii Puntland” (wareysi/dhegayso)
Siyaasi ahna qoraa cusub Cali Jaamac oo mar soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda kalluumaysiga ee Dowlada Puntland ayaa dhawaan qoray buug la magacbaxay “20 Sano iyo Sooyaalkii Puntland,” kaas oo si durugsan uga hadlaya aasaasaakii Puntland, guulihii la gaaray, waxyaabaha aan qabsoomin, iyo aliba sababta ay u qabsoomi waayeen. Buuga ayaa sidoo kale taabanaya…
-
Maydka Jamaal Khashoggi oo aan weli la hayn laakiin loo malaynayo in lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul
Wararkii ugu danbeeyey ee baadigoobka Jamaal Khashoggi oo ay ugu war danbaysay Talaado 1:00 PM saacadda Istanbuul, 2 Oct 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul uuna ka doontay dukmentiyo u gaar ah ayaa sheegaya in loo malaynayo in lagu dhex dilay isla qunsilayadda. Weli lama helin meydka Jamaal Khashoggi. Madaxweyne Erdogan oo daqiiqo…