Madaxweynaha DDS oo qaabilay Madaxweyne laftagareen

Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida , Mustafe Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Laftagareen oo booqasho ku jooga Itoobiya. Kullanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray iskaashiga amniga ee labada dhinac , ka dib weerarradii Al-Shabaab oo dhinaca Itoobiya uga tallaabay xadka gobolka Bakool.