Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shiddo oo booqasho ku tegey Hargeysa

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shido iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Wafdiga uu horkacay Axmed Shiddo oo ay ka mid yihiin xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa booqashadooda waxa ay la xiriirtaa sidii maamulka Somaliland loogaga dhaadhicin lahaa booqashada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee magaalada …

Munaasabad maamulka DDS ku taageerayo xisbiga EPP ee Abiy Axmed oo Jigjiga ka qabsoontay

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo uu horkacayo Kusimaha Madaxweynaha Md. Mustafe Muxumed Cumar Cagjar oo shalay ka soo laabtay tababar lagu soo qabtay magaalada ADHAMA, caasimada kilalka Oromiya, laguna bartay habka hawlfulinta xisbiga cusub ee EPP ee uu asaasay RW Abiy Axmed, iyo taageerayaasha xisbiga ee magaalada Jigjiga ayaa iskugu soo baxay munaasabad lagu …

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo Jigjiga ku soo guryonoqday

Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), oo muddo todobaadyo ah ku maqnaa magaalo madaxda kililka Oromada ee ADHAMA ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Jigjiga. Madaxweyne Mustafe ayaa ka warbixiyey in uu ka qaybgalay tabobar lagu baranayo hab hoggaaminta Xisbiga cusub ee Abiy Axmed ee EPP oo muddo dhowr todobaad ah …

Jidhdil iyo mindi-tooreyn Soomaali loogu geystay Jigjiga

Magaalada Jigjiga, xaafadda 11aad, waxaa maanta jidhdil iyo mindi-tooreyn loogu gaystay wiil Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah. Jidhdilka waxaa geystay rag ka soojeeda qowmiyada Oromada. Wiilka la dhaawacay oo ka soojeedaa deegaanka Tuli Guuleed ayaa hore uga mid ahaa dhallinyaro dhawaan si sharcidarro ah xabsiga Jigjiga loogu xidhay, ayaga oo Komishanku ku eedeeyey in ay “kamidyihiin …

Rabashado ka dhex aloosan ciidamada Itoobiya iyo shacabka Wardheer

Wiil kamid ah dhallinyarada Wardheer ayaa rag dharcad ahi waxa ay u geysteen jirdil sababay dhaawac. Jirdilka oo ka dhacay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa markii danbe sababay in ragga dharcadda ah xabsiga loo taxaabo, laakiin waxaa ka dabayimid ciidamada gaashaaman ee federaalka, raggii dharcadda ahaana xoog ugala baxay …

Cagjar oo olole nadaafadeed ka wada Oromiya & Oromada oo deegano horleh Soomaalida kala wareegay

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxumed Cagjar, oo uu wehelinayo Madaxweyne Kuxigeenka DDS Aadan Faarax ayaa olole nadaafadeed waxa ay ka bilaabeen deegaanka Oromiya. Sawirada hoggaanka DDS oo ay garab socdaan shacabka Oromiya ayaa la soo bandhigay ayaa oo xaaqaya shaaricyada waaweyn ee Adhama, caasimadda Oromiya. Madaxwayne Mustafe oo olalaha nadiifinta jidadka Oromiya ka …

Afhayeenka JWXO (ONLF) Caddaani Hirmooge oo Tuli Guuleed tagey

Afhayeenka Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya Caddaani Hirmooge ayaa markii ugu horreysay waxa uu booqasho ku tagay degamada TULI GUULEED ee gobolka FAAFAN. Afhayeen Caddaani oo si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanka ayaa asaga oo la hadlaya bulshada Tuli Guuleed waxa uu sheegay in ururku uu xafiis rasmi ah ka furan doono degmada Tuli Guuleed. Tuliguuleed …

Liyuu Booliska oo gacanta ku dhigay bastoolado laga keenay Somaliland

Ciidanka Liyuu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee fadhigoodu yahay MAGAALOQARAN ee degmada HAROORAYS ayaa gacanta ku dhigay gaadhi lagu soo dhexqariyey afartan (40) midh oo bastoolado ah iyo waliba raggii watay oo ayana xabsiga loo taxaabay. Bastooladaha oo lagu soo qariyey gaari kuwa jaadka ee dhexshaqeeya Dowlad Deegaanka iyo Somaliland ayaa lala damacsanaa in …

Tirakoobka Itoobiya oo ka biloowdey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Guddi ka socda Xafiiska Tirokoobka Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa u ambabaxay gobolada iyo degmooyinka DDS. Xubnaha Guddiga ee u xilsaaran tirokoobida shacabka ku nool guud ahaanka deegaanka Soomaalida ayaa laga soo kala xulay kililada kale ee itoobiya. Halka kililada kale ay tirokoobayaan maamulka deegaanka oo kaashanaya dowladda dhexe ayaan maamulka kililka Soomaalida wax awood ah ku …

Guddoomiyaha ONLF Maadey oo Jigjiga lagu soodhaweeyey kana warbixiyey doorashada Itoobiya

Guddoomiyaha Jabhada Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO | ONLF) Mudane Cabdiraxmaan Sheekh MAADEY oo ka soo kicitamay caasimada dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa shalay si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga. Guddoomiyaha oo ka soo dagey garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal oo ka warbixinaya doorashada soo foolleh ee Itoobiya ayaa sheegay in dooradashada dhawaan …

Dhooboweyn, Qorraxey: Culimo iskhilaaftay oo dhimasho sababay iyo Liyuu Booliska oo soo kala dhexgalay

Culimada diinta degmada DHOOBOWEYN ee gobolka QORRAXAY oo khilaaf soo kala dhexgalay ayaa markii danbe isu badalay mid rabshado wata. Rabshadaha oo markii danbe sii xoogeystay ayaa waxaa soo kala dhexgalay ciidamada LIYUU BOOLISKA ayaga oo adeegsanaya rasaas nool. Rasaasta Liyuu Booliska waxaa illaa iyo iminka ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale. …

Biyo-Bariga oo Jigjiga looga dabaaldegay; Qabri Dahar oo ciidamadu suurtagaliyeen & Harar oo weeraro lala beegsaday

Jidadka waaweyn ee magaalada Qabri Dahar ee gobolka QORRAXEY ayaa saaka lagu daadshay ciidamada faderaalka Itoobiya oo wata gawaadhida gaashaaman, kaddib markii Soomaalidu ay diideen in jidadka loo xidho dabaaldegga qowmiyadda Axmaarada oo u dabaaldegaysa ‘Biyo-Bariga’ diintooda Kiristaanka (Ethiopian Orthodox Church). Biyo-bariga (Epiphany afka Ingiriiska ama Timket af Amxaariga) waa dabaaldegga Amxaarada maalinkii Nabi Ciise …