Category: Dowladda Deegaanka Soomaalida

  • Guddoomiyaha Tuli Guuleed oo booqasho ku maraya tuulooyinkii laga barakacay

    Guddoomiyaha Tuli Guuleed oo booqasho ku maraya tuulooyinkii laga barakacay

    Guddoomiyaha Degmada Tuli Guuleed, Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa booqasho ku maraya tuulooyinkii ay ka barakeceen shacabkii, xoolodhaqatadii iyo beeralaydii deegaanka. Guddoomiyaha oo ku gudojira booqashadiisa ayaa waxa uu agabka guryaha lagu dhisto iyo lacag u qaybiyey shacabka danyarta ah ee qabalaha Dacwooley iyo Waraabalay. Tuulooyinka ayaa kamid ah kuwa si joogto ah ay maleeshiyaadka Oromadu…

  • Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

    Maamulka degmada oo danyarta Tuli Guuleed raashin gaadhsiiyey

    Guddoomiyaha degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN, Md. Guuleed Maxamed Ismaaciil, ayaa shacabka danyarta ah ee degmada gaadhsiiyey caawimaad raashin ah. Guddoomiye Guuleed Maxamed Ismaaciil oo bilihii la soo dhaafay loo magacaabay xilka guddoomiyenimo ayaa ku guulaystay inuu tuulooyin badan shacabkii laga barakiciyey uu dib-u-dajin u sameeyo. Tuulooyinka dib-u-dajinta loo sameeyey ayaa waxaa kamid ah:…

  • Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo COVID-19

    Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo COVID-19

    Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Cudurka Coronavirus oo maalin gudaheed laga helo Gudaha dalkaas. War ka soo baxay Wasaaradda waxaa lagu sheegay in dad looga shakiyey Cudurka ee baaritaan lagu sameeyey Cudurka COVID-19 laga helay 17 ruux. Dadka Cudurkaan laga diiwaangeliyay maanta ayaa waxaa la sheegay inay ku noolyihiin deegaannada…

  • Xukuumadda DDS oo Shacabka Salaxaad & Raaso Nabad ugu Baaqday

    Xukuumadda DDS oo Shacabka Salaxaad & Raaso Nabad ugu Baaqday

    Wafti uu horkacayo kuxigeenka Wasiirka Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mudane Cabdirisaaq Sayid ayaa gaadhay degmada Raaso ee gobolka Afdheer iyo degmada Salaxaad ee gobolka Erer ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) si ay xal ugu helaan khilaaf dhiig ku daatay oo dhexmaray shacabka labada degmo. Kuxigeenka wasiirka Madaxtooyada Cabdirisaaq Sayid ayaa la kulmay odayaal dhaqmeedka…

  • Shil jidka Wajaale-Jigjiga oo sababay dhimasho & dhaawac

    Shil jidka Wajaale-Jigjiga oo sababay dhimasho & dhaawac

    Shil gaadhi oo ka dhacay jidka u dhexeeya Wajaale iyo Jigjiga ayaa sababay dhimashada afar qof, halka ay ku dhaawacmeen todoba qof, sida Radio Daljir loo xaqiijiyey. Shilka ayaa sababay isku dhaca bajaaj ay saarnaayeen saddex qof oo katimid dhanka magaaada Jigjiga iyo bas caasi ah oo waday rakaab kayimid Wajaale. Dadka dhimashada iyo dhaawucu…

  • Dawladda Deegaanka Soomaalida oo laga helay 2 kiis oo COVID-19

    Dawladda Deegaanka Soomaalida oo laga helay 2 kiis oo COVID-19

    Wasaarada Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay in laba qof oo qaba cudurka COVID-19 laga helay Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS). Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Itoobiya Dr. Liya Tadhase ayaa sheegtay in labadan qof ee cudurka laga helay mid kamid ah uu ka yimid Puntland laguna xereeyey xarunta karantiilka ee Jaamacada Jigjiga (Jijiga University), halka midka labaad…

  • Gudhka biyoxidheenka Jigjiga iyo booqashada madaxda DDS

    Gudhka biyoxidheenka Jigjiga iyo booqashada madaxda DDS

    Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar oo uu wehelinayo Kuxigeenkiisa Aadan Faarax iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah ayaa booqasho indhoindhayn ah waxa ay ku tageen biyoxidheenka waqooyiga Jigjiga oo muddo laga joogo 30 sannadood markii ugu horreysay bilihii la soo dhaafay gudhay. Biyoxidheenka waqooyiga Jigjiga ayaa kamid ah biyoxidheenada ugu…

  • Mustafe Cagjar oo Jigjiga ku soo guryonoqday

    Mustafe Cagjar oo Jigjiga ku soo guryonoqday

    Kusimaha Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo xubno golaha wasiirada oo maalmahan ku maqnaa Addis Ababa, caasimada dalka itoobiya, ayaa maanta ku soo guryonoqday magaalada Jigjiga. Mustafe iyo golaha wasiiradiisa ayaa ka qaybgalay shir ay yeesheen hoggaanka xisbiga EPP ee dawladda federaalka Itoobiya. Ujeedada shirka Addis Ababa ayaa lagu sheegay in…

  • Ururka dhalinta TUBSAN oo raashin gaadhsiiyey qabalaha DAARIMI ee degmada Tuli Guuleed

    Ururka dhalinta TUBSAN oo raashin gaadhsiiyey qabalaha DAARIMI ee degmada Tuli Guuleed

    Ururka dhalinyarada TUBSAN (Tubsan Relief Organization) ayaa maanta caawimaad raashin ah gaadhsiiyey qabalaha Daarimi ee degmada Tuli Guuleed, gobolka FAAFAN. TUBSAN waa urur dhalinyaro deegaanka ah oo iskood isugu xilqaamay garab-istaagga barakacaasha ku sugan deegaanka Tuli siiba barakacayaasha Daarimi. Ururka Tubsan ayaa u guntaday gaadhsiinta caawimaad raashin ah illaa 400 oo qoys oo ka kooban…

  • Wabi Shabeele oo ku fatahay Qallaafo & Mustaxiil khasaarena geystay

    Wabi Shabeele oo ku fatahay Qallaafo & Mustaxiil khasaarena geystay

    Wabiga Shabeele ayaa ku fatahay, saamayn khasaarena ku yeeshay beeralayda degmooyinka Qallaafo iyo Mustaxiil ee gobolka Shabeele ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS). Khasaaraha fatahaadda ayaa qoysas badan guryahoodi ku burbureen, lama se soo sheegin khasaare nafeed. Fatahaadda Wabi Shabeele ayaa timid kaddib markii roobab laxaad lihi ay ka da’een gobolka iyo badanaa deeganada Dawladda Deegaanka…

  • Jigjiga oo habeenkii labaad bandow ah

    Jigjiga oo habeenkii labaad bandow ah

    Waxaa habeenkii labaad Jigjiga ka dhaqangalay bandow lagu soo rogay caasimada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS). Shacabka Jigjiga oo u badan danyar noloshoodu salka ku hayso shaqo maalmeedka ayaa waxaa la soo darsay xaalad adag oo nololeed ayna sababtay albaabada loo laabay dhammaan goobihii ganacsiga iyo isusocodka jidadka Jigjiga ee la joojiyay. Diiwaanka wararka Radio Daljir Jigjiga

  • Kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus oo laga helay DDS

    Kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus oo laga helay DDS

    Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Itoobiya ayaa Maanta shaacisey in qofkii horeeyey ee qaba Cudurka Coronavirus laga helay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya ayaa sheegtay in shaqsigaan uu ku nool yahay Magaalada Jigjiga una dhashay mid kamid ah qowmiyaha dalka Itoobiya. Sidoo kale waxaa ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Itoobiya in qofka laga helay Cudurka…

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com