Cashar noocee ah ayay shacabka Soomaaliyeed ay ka baran karaan caleema saarkii Garoowe?

Cashar noocee ah ayay shacabka Soomaaliyeed ay ka baran karaan caleema saarkii Garoowe?

Madax katirsan dowladda faderaalka Soomaaliya, maamulada Hir-shabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa ka qaybgalay caleema saarkii madaxwaynaha dowladda Puntland ee habeen hore kadhacday magaalada Garoowe.

Munaasabadda caleema saarka ayaa sidoo kalle dadkii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo caan ku ah dhaliilaha dowladda loo jeediyo.

Isagoo la hadlayay radio Daljir aqoonyahan Cabdiqaadir Cali Saleemaan Camo ayaa waxaa uu sheegay Puntland inay ahayd bartii dhidibada u taagtay dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay madaxwaynaha cusub ee Puntland uu muujiyay karti mudada kooban ee xafiiska uu joogo, isagoo isku keenay siyaasiyiin aan muddo aan si fool ka fool ah aan isugu imaan hal madal, iyadoo madaxwaynaha dowladda faderaalka uu ka sheegay xafladda in la isa saamaxo.

Hoos kadhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com