Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne

Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne

Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.

Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.

Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com