Camey ” Dagaalka Sool joogsan Maayo intaan la wareegayno degaano Somaliland ah ”(dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo booqasho ku jooga Magalada Buuhoodle ayaa shaaciyey ujeedka safarkiisa Magalada Buuhoodle,isaga oo sidoo kale ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.

“Anigu maanta markaan runta idiin sheego waxaan halkaan u nimid labo waa calaf iyo ciidan,reer buuhoodle labadaas ayaan idinka dooneynaa,waxana idiin sheegayaa in qolooyinka Beesha Caalamka ah ee tukaraq ku haayo in magalooyinka Puntland aysan u kala duwaneyn ayuu yiri Mudane Cameey.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Puntland marnaba uusan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah maamulka Soomaaliland ilaa iyo inta ay kula wareegayaan deegaanada ka maqan sida uu hadalka u dhigay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com