Cali Mire ?dhimasho iyo baragkac xoog leh baa ka dhashay roobab xalay ka curtay Guardafu?(Waraysi)

Caluula, November 10, 2013 – Buuralayda fog ee gobolka Guardafu ee Puntland, waxaa laga soo sheegayaa in ay ka da?een roobab wata qabow isla markaasna khasaaare badan dhaliyey, roobabka ayaa ilaa haatan socda.

Hal ruux ayaa geeryooday, gadiid fara badanna waa bur-bureen sida aan ku helayno wararka. Gudoomiyaha gobolka Guardafu ee Puntland ayaa sheegay in roobabka aad uga de?een tuulooyin hoostaga xaruunta gobolka ee Caluula.

Gudoomiyaha gobolkaas Cali Mire Xuseen oo la hadlay idaacada daljir ayaa yiri ?degmooyinka Caluula, Bareedo, iyo Xaabo iyo tuulooyin dhowr ah ayey roobabku guryo ku dumiyeen, meelo aan laga war hayna waa jiraan.? Mire ayaa sidaas u sheegay Daljir

?Baragkac dad ayaa jira, sidoo kale dad badan baa xoolahoodii waayey oo aan ilaa hadda waxba haysan.? ?Cali Mire waxaa uu sheegay in roobabka ugu badan ay de?een shalay gelinkii dambe ilaa xalay iyo maanta.

Maamulka gobolka, waxaa ay sheegeen in ay roobabku la tageen doonyo fara badan oo kalluumaysatada deegaanku leedahay, roobabka ayaa ah kuwa isku xiran oo wakhti dheer soconaya isla markaasna xataa ka jira dhinaca badda.

Dowladda Puntland iyo hay?adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay gudoomiyaha gobolkaas in ay gargaar la soo gaaraan deeganada ay xaalada nololeed ka jirto, kadib saamaynta roobabku reebeen, waxaa uu sheegay in dadku doonayaan adeegyo badan oo si deg deg ah loogu baahan yahay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Gudoomiye Cali mire waxaa waraysatay Aamina Ladan Axmed oo ka tirsan radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com