Cali Khaliif oo ku sugan Laascaanood

Cali Khaliif Galaydh oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ujeedkiisa ugu wayn ee Laascaanood ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu kula kulmayo bulshada deegaanka, iyadoona booqashadan ay kusoo beegmayso xilli ay xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka jiraan gobolka Sool.

Cali Khaliif ayaa horay heshiis ula galay maamulka Somaliland, isagoo ah madaxwaynaha Khaatumo, balse waxaa go’aankaasi mid ka duwan qaatay kuxigeenkiisa oo iminka ku sugan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland isagoona sheegay Cali Khaliif in laga qaaday hogaanka maamulka Khaatumo uuna kala wareegay jagada madaxwayne ee maamulka Khaatumo.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com