Site icon Radio Daljir

Cali dhaanto: ” Socdaalkaygii Puntland & Galmudug wuxu ahaa Dalka Soo barro ,Nabadana u riyaaqay” (dhegayso)

Fanaanka Caanka ah ee kusoo Caambaxay Dhaantada ee Cali dhaanto ayaa isbuucyadi u dambeyaay booqashooyin ku tagay gobalada Puntland iyo kuwa Galmdug,isago qayb ka ahaa wafdigii Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Cali dhaanto oo Waraysi gaar ah sinayaay Radio daljir ayaa sheegay in uu kuso arkay Gobalada dalka ,gaar ahaan Puntland hormar iyo Nabad,isago sheegay in dadku yihiin kuwo ku haminaya hormar joogta ah.

Dhinaca Galmudug ayuu sido kale sheegay in ay yihiin dadka kunool dad jecel nabada iyo Somalinimada,isla markaana si ficn ay usoo dhaweeyeen.

Sido kale wuxu ka hadlay Heesaha dhaantooyinka ah ee uu kuso caambaxay,wuxuna u mahadceliyaay Tageerayaashisa ku sugan gobalada Dalka.

Wariye Axmed sheekh Maxamed (Tallman) ayaa Fanaanka ku Waraystay Magaaladda dhuusomareeb

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5a68c91e0201003a1a1c14fd/Waraysi+Fanaan+Cali+dhaanto+Daljir+.mp3?_=1
Exit mobile version