Cali Cosoble,”Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Lacag Ku Bixiyey Xilka Qaadistaydii”

Cali Cosoble,”Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Lacag Ku Bixiyey Xilka Qaadistaydii”

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ku eedeeyay in uu ka dambeeyo mooshinkii xilka looga tuuray isaga.

Waxa uu sheegay Cosoble in Ra’iisul Wasaare Khayre uu dhaqaale ku bixiyay mooshinkii ay xildhibaanada Hirshabeelle xilka uga qaadeen isaga, wuxuuna tilmaamay in arrintan lagu doonayo in Hirshabeelle lagu cuuryaamiyo.

“Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka dambeeya afgambiga fashilmay ee maanta Jowhar ka taagan, dhaqaale ayuu ku bixiyay, anaga ayanan garan oo daacad iska aheyn”. Ayuu yiri Cosoble.

Cosoble ayaa si gaar ah Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ugu eedeeyay in uu burburinayo Maamulka Hirshabeelle, balse uu isaga uun meesha ka bixi doono.

14-kii bishan ayay aheyd markii xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Cali C/laahi Cosoble, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen 68 Mudane.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com