Cali Ameeriko oo Dhaleecayn Adag u Jeediyay Maamulka Gobolka Hiiraan

Axad, Ogoosto 16, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya Cabdifataax Xasan Afrax ayaa shalay amar ku bixiyey inuusan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo geli karin safiirkii hore ee Soomaaliya U fadhiyey Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

Maxamed Cali Ameeriko oo indhowaalahaan Socdaal ku marayey gobolada Soomaaliya, ayaa waxaa lagu soodhoweeyey deegaanka Beer-gaadiid oo ay kaga hortageen dad shacab ah, waxaase amar kasoo baxay gudoomiye Afrax oo kusugan Muqdisho lagu sheegay inuusan Ameeriko geli karin Beledweyne.

Danjire Ameeriko oo lahadlayey warbaahinta ayaa sheegay inuusan garanayn sababta ka dambaysa in loodiido inuu galo mid kamid ah magaalooyinka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay nasiib darro iyo mid muujinaysa cadaawad gaar ah.

Maamulka gobolka Hiiraan oo kusugan Muqdisho dhankooda kama aysan hadlin sababta ka dambaysa in Ameeriko loodiido gelitaanka magaalada Beledweyen, waxaana ay arrintaan kusoo beegmaysaa xilli uu dhowaan booqasho kuyimid Puntland inkastoo uu magaalada Galkacyo kutilmaamay Galmudug.

By: Abdirashiid 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com