Caleemasaarka Madaxweyne Deni oo socota iyo casumanayaashii ugu badnaa oo ka qaybgalaya

Caleemasaarka Madaxweyne Deni oo socota iyo casumanayaashii ugu badnaa oo ka qaybgalaya

Aqalka Madaxtooyada Puntland loona yaqaan Buurta Puntland ee magaalada caasimadda ah caawa waxaa ka socota xafladdii caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo uu weheliyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ‘Karaash.

Xafladda caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Puntland waa tii labaad ee nooceeda ah oo Puntland laga qabto tan iyo asaaskeedii oo ahaa sannadkii 1998dii, waxaana madaxweyne Deni uga horreeyey oo kaliya, dhigtayna xaflad caleemosaar madaxweynihii ka horreeyey, kursigana uu kala wareegay  ee ahaa Cabdiweli Maxamed Cali oo sidaas oo kale loogu xafladeeyey caleemosaarkiisa 24kii Jannaayo sannadkii 2014-kii oo ahayd dhawr asbuuc kadib markii loo doortay madaxweynaha Puntland, halka afar madaxweyne oo ka horreeyey Gaas iyo Deni aysan dhigan wax xaflad caleemosaar ah.

Caleemosaarka xafladeed ee caawa ka socda madaxtooyada Puntland, waa midkii ugu ballaarnaa ee abid laga dhigo Puntland, siiba marka laga hadlayo caleemosaarid madaxweyne, waxaana ka qaybgalaya tiradii dad ee ugu badnayd ee la iskugu yeero xaflad dhigasho Puntland ka dhacda, kuwaasi oo iskaga yimid dalka iyo dibeddaba.

Waxaa ka qaybgelaya labo madaxweyne oo Soomaaliya ah oo mid yahay madaxweynaha haatan xilka haya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, midka kalena yahay Xasan Shiikh Maxamuud oo ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, siiba ah madaxweynihii kuxigay Farmaajo ee uga horreeyey kursiga, guddoomiyayaal Baarlamaan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdixaashi Cabdillaahi. Labo madaxweyne oo Puntland soo maray ayaa iyana xafladda ka qaybgalaya, kuwaasi oo kale DR. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’. Labo madaxweyne kuxigeen oo Puntland ah, kala ahna Cabdixakiin Cabdillaahi Cumar ‘Camey’ iyo Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Dhanka dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, waxaa xafladda caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ka qaybgalaya afar madaxweyne oo ka socda dawladda xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ‘Axmed Madoobe’, Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’, Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaale ‘Xaaf’, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Marka laga tago madaxweynayaasha xilalka haya ama soo qaybtay ee dawladda dhexe ee federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, waxaa iyana casumanayaasha ka mid ah, kana qaybgalaya xafladda caleemosaarka madaxweyne Deni, madax iyo masuuliyiin dawli ah oo iskugu jira golayaal xukuumadeed iyo kuwo Baarlamaan oo  dawladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka ah, siyaasiyiin madaxbannaan qaarkoodna ay xilal sare ka soo qabteen Soomaaliya, uuna ka mid yahay Cali Maxamed Geeddi oo horay u soo noqday R/wasaarihii dawladda KMG-ka ahayd ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdillaahi Yuusuf Axmed, aqoonyahanno magac iyo maamuus weyn ku leh Soomaaliya, marti-sharaf tiro dhaaf ah iyo fannaaniin dalka iyo dibeddaba laga casumay oo ay ku jiraan kuwoodii ugu caansanaa sannadihii dambeeyey, hana qaadayna intii uu hoos u fooraray haruubka dawladnimada Soomaaliya.

Dhanka beesha caalamka waxaa goobjoog ka ah xafladda, kana qaybgalaya safiirada dalalka Turkiga, Imaaraadka, Qadar, Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Sweden, Faransa, Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga, IGAD, iyo wakiilka QM.

Waxaa xusid mudan, is waydiinteedana leh xafladdaani in ay iskukeentay, ayna ka wada qaybgalayaan siyaasiyiin aad ugu kala taggan xagga siyaasadda iyo wax maamulid dawladnimo, xiriir ahaanna aad u kala fog, kuwaasi oo ay adkayd si toos ah iyo si dadbanba in ay isku arkaan ama iskugu yimaadaan.

Inkasta oo xafladdaan caleemosaarka madaxweynuhu aysan ahayn markii koowaad oo madaxweyne Puntland ah qabsado, misna marka xagga sharciyadda la fiiriyo ma ahan xaflad dastuuri ah ama maamuus ku xusan xeerarka sharci ee Puntland lagu dhaqo, waxaana qabashadeeda ku baxa dhaqaale aad u tiro badan oo marka loo eego dhaqaalaha Puntland ku culus, waxaana tusaale inoogu filan xafladdii middaan ka horraysay ee uu qabsaday madaxweynihii kan ka horreeyey ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ 24, Jannaayo, 2014, taasoo uu kubaxay dhaqaale gaaraya boqolaal kun oo doollarka Maraykanka ah, waxaana haatan la tilmaamayaa xafladda caawa socota ee caleemosaarka madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni in ay saddex jibaarka ka dhaqaale badantahay caleemosaarka madaxweynihii ka horreeyey, waxayna ku soo beegantahay, uuna dhiganayaa madaxweynuhu xilli dhaqaalaha Puntland uu aad u hooseeyo, ayna  jirto baahnaan badan oo dadweyne iyo shaqaalaha dawliga ahba.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com