Cabduweli Gaas: “Waxaan soo jeedin lahaa in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka”

Cabduweli Gaas: “Waxaan soo jeedin lahaa in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in doorashooyinkii la qabtay ee Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka ay yihiin kuwo ku bilaawday boob iyo musuq maasuq.

Cabduweli Gaas oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu ku eedeeyay dowlad Goboleedyada inaysan si sax ah u qaban doorashadii Aqalka Sare, balse rajo badan laga qabay sida loo qabto doorashada Golaha Shacabka, hayeeshee tabtii ay martay doorashadii Aqalka Sare lagu wado doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sicad u sheegay in hadii aan la joojin sida ay hadda wax u socdaan ay weji kalo yeelan karto, wuxuuna ku eedeeyay boobka iyo musuq maasuqa doorashada ay mas’uuliyadeeda leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

”Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadka dhan doorashada ku aamineyn maadaama tartame uusan aheyn, isaga ayaana mas’uul ka ah wixii dhacay, waxayna aheyd in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah maadaama uu leeyahay mustaqbal siyaadadeed ayuu yiri” Cabduweli Gaas.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaaneysay habka ay ku socdaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana doorashada inta badan walaac ka muujinayay Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com