Cabdiwali Gaas iyo xildhibaan Cabdirashiid oo khilaaf uu soo dhexgalay iyo abwaanka oo la wareegay warbaahinta

Cabdiwali Gaas iyo xildhibaan Cabdirashiid oo khilaaf uu soo dhexgalay iyo abwaanka oo la wareegay warbaahinta

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shalay ku guul daraystay qabashada xilka guddoomiyaha baaramaanka ee Puntland oo uu ka helay shan cod ayaa waxaa uu la wareegay boggii Facebooka ee madaxtooyada Puntland.

Abwaanka ayaa horay ugu magacaabnaa agaasimaha warfaafinta madaxtooyada iyo wacyi gelinta oo uu hayay shantii sano ee madaxwaynaha xilkiisu dhamaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xafiiska joogay.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khilaafka abwaanka iyo madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas dhexmaray kadib markii uu u tartamay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo madaxwaynuhu uu kula taliyay inuu tartamin.

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka mid ahaa gacan yarayaasha madaxwaynaha haatan xilka ka degaya Cabdiwali Gaas, isagoo ku kasbaday heestii uu madaxwaynaha uu u sameyey xiligii ololaha doorashada ee sanadkii 2014kii, xiligaasi oo heestaasi kaalin wayn ka qaadatay ololihii madaxwayne Gaas, xilka agaasimaha warfaafinta oo uu aqoon badan u lahayn Cabdirashiid ayaa loo arkayay mid madaxwaynaha uu ugu abaal gudayay heestiisa Cabdiwali ku taageer.

Abwaanka ayaa sawiradiisa khaaska ku xardhay dhamaan bogga Facebooka ee madaxtooyada Puntaldn, dastuurka Puntland ayaa dhigaya dadka dowladda u shaqeeya iyo ciidamada inay is sharixi karin haddii aanay xilkii hore u hayeen iska casilin, abwaanka ayaana jirin wali wax iscasilaad ah uu sameeyey xilka uu ka hayay madaxtooyada Puntland, isagoona noqday xubin baarlamaanka ah.

 

 

Abwaanka ayaa xiriiro dhowr jeer ah uu la sameyey radio Daljir , kamana uu jawaabin taleefanka, balse wixii kasoo kordha isha ku hay Radiodaljir.com

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Muuse Gaab 5 years ago

    Xafladdii shaacinta ayuu ku shaaciyey inuu iska casiley xilka Daljirna waa joogtey ma hilmaamteen

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com