Cabdirisaaq Axmed Shoole oo ka mid ahaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa is casilay.

Muqdisho, July 13 -2013 ? Cabdirisaaq Axmed Shoole oo xubin ka ahaa guddiga KMG ah doorashooyinka ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu iska casilay xubinnimadii guddiga, isagoo arrintaasna u cuskaday dhawr arrimood uu uu sheegay in muhiim kula muuqdeen.

Mudane Shoole, oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa tilmaamay sababta is-casilaaddiisu in ay timid kaddib markii uu ka walaacay hirgalinta xilligaan ee hannaankaan axsaabta Puntland, taasoo uu sheegay in aysan is qaabili karin taabbogalinta doorashada iyo tilmaamaha ka soo baxaya bulshada.

Cabdirisaaq Axmed Shoole oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa uu warqaddiisa is-casilaadda uu u gudbiyey baarlamaanka Puntland xilli sii horraysay, hase ahaatee asbuucyo kaddib ayaa laga aqbalaya istaqaaladiisa sida uu Daljir u sheegay.

?Waxaani waa mas?uuliyad, mas?uuliyaddana haddii qofku dareemo sidii loogu dhiibay in aysan u socon karin waa uu ka tagayaa, anigu waxaan dareemay barnaamijkii naloo idmaday iyo dadku in ay kala fogyihiin, marka maadaama kala fogaansho ay jirto in aan dhib laga dhexlin ayaa uga baxay? Cabdirisaaq Axmed Shoole.

Dhinaca kale Shoole, waxaa uu ka hadlay qaabka wax u socdaan ee ku aaddan dimuqraadiyadda iyo doorashooyin axsaab ku salaysan, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay marna in aan dhibaato la horseedin, dhiigna la daadin, lagana durko waxkasta oo dhibaato keeni kara.

Is-casilaadda Cabdirisaaq Axmed Shoole, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalin kaliya ay naga xigto xilligii loo ballamay in doorashadu dhacdo, waxaana dhinaca kale aad isku soo taraya diidmooyinka deegaan ee doorasho qabsoonta, inkastoo in badan oo bulshada ka mid ahna ay la dhacsan yihiin.

Horayna waxaa sidaan oo kale isku casilay Eng Yuusuf Xaaji Siciid oo ahaa xubin ka tirsan guddiga KMG ah ee doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(G).


?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com