Cabdiraxman Cabdishakur: “Dagaalka Dhuusamareeb waxaa lagu galay Dambi Dagaal.”

Cabdiraxman Cabdishakur: “Dagaalka Dhuusamareeb waxaa lagu galay Dambi Dagaal.”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku tilmaamay weerar xalay lagu qaaday xarunta Ahlu Sunna ee magaalada Dhuusamareeb inuu yahay mid lagu galay dambi dagaal.

Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku eedeeyay dowlada federalka in hubkii ciidanka Gaashaan ee loogu tala galay in lagula dagaallamo Al-Shabaab gala Hoteellada in dowladu ay geysay Magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaa ilo xog-ogaal ah ii xaqiijiyeen in shalay galab dawlada federaalka ah Dhuusamareeb ka dejisay hubkii ciidan ka Gaashaan lahaayeen ee loogu tala galay in Alshabaab looga saaro Hoteelada ay qabsadaan. Waa hub derbiyada duleeliya, laaguna tala galay in meeshii lagu rido aanay suntiisa cidna ku noolaan, wuxuuna gubayaa qofkii uu gaaro ama ku ag dhaco.

Hubkaas iyo wiilashii ciidanka Gaashaan oo loogu tala galay la dagalaanka Alshabab amarkiisa waxaa si wadajir ah u go’aamiyey madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo taliyaha nabadsugida. Waa in la ogaado in xasuuqii xalay Dhuusamareeb ka dhacay uu danbi dagaal yahay.

Dawlada Federaalka ah iyo dadkii ka soo horjeeday Ahlusunna waxay ku faraxsan yihiin xasuuqa loo geystay dhalinyaradii sanadaha badan deegaanka ka ka hortaagnaa Alshabab, iyo xaqiraada lagula kacay hogaankii Ahlusunna. Dawlada Federaalka ah iyadoo heli kara wado waan waan iyo wadahadal ah ayey dagaal iyo colaad ka doorbiday. Waa wado ay sedaxdii sano ee na dhaaftay ku taagnayd.

Hogaanka Ahlusunna maalintii ay tabarta hayeen way tala diideen, waxayse su’aashu tahay inta kale ee maanta weli tabarta haysa, ma haleeli doonaan talo ay xasuuqa iyo xaqiraada ku soo fool leh isaga badbaadiyaan?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com