Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur” Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo”

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur” Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa dhaliilay go’aankii ay dowladda Soomaaliya tacsi iyo baroordiiq ugu sameysay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, allaha u naxariisteen Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisow.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook oo arrintan ku saabsan ayuu Cabdiraxmaan u dhigay sidan:-

Tacsi baroordiiq waxaa loo sameeyaa ruuxii si dabiici ah u geeriyooda. Allaha u naxariistee Eng Yarisow cadow ayaa dilay ee si dabiici ah uma dhiman. Waxay ahayd in aan muujino in cadow uu haldoorkeedii laayey.

Diinteena Islaamka ahi ma dhiirogeliso tacsi, janaaso iyo baroordiiq loo sameeyo dadka gacanta cadawga ku shahiida. sababtuna waa in cadawga loo muujin catow iyo dabacsanaan, dadkana aan dhiiga shuhadada wax iska caadi ah looga dhigin.

Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo, maantana ay noqoto maalin dhiilo iyo abaabul. Waxay ahayad in Eng Yarisow guutooyinka ciidanka difaaca ku jira loogu magac daro, hogaanka dawladana uu furimaha dagaalka joogo, waxay ahayd in cadaalada la horkeeno kuwii abaabulay fududeeyey, falkana gaystay, laakiin midkood na ma dhicin. Weli waa nala hodayaa, cadawga ayaana na loo garba duubayaa inta dilka Eng Yarisow geeri dabiici ah loo ekeysiinayo.

Allaha u naxariisto Eng Yarisow iyo intii kale weerarkaas ku shahiiday. Aamiin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com