Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo Weerar Afka ku qaaday RW Rooble

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur  Warsame oo Weerar Afka ku qaaday RW Rooble

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markii u horreysay weerar afka ku qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoo su’aal ka keenay mas’uuliyadiisa hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu balan qaaday inuu qabanayo doorasho xalaal ah, shacabkana u sheegay in Kiiska Ikraan cadaalad u raadinayo, balse waxaas oo dhan ay meesha ka baxeen kaddib safarkii Rooble uu Qatar ku tagay.

Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa.

Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa.

Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com