Cabdirashiid Abwaan oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Magaalada Garoowe gaar ahan hoolka baarlamaanka Puntland waxaa goor dhawayd lagu soo gaba gabeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

doorashadan ayaa waxaa ku loolamayay ilaa iyo saddax musharax.

Wareegii ugu dambeeyay ee doorashada waxaa iskugu soo haray laba musharax oo kala ahaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdi jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu helay 46-Cod iyada oo Musaraxa kale ee Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17-Cod waxaana sidaasi xilka guddoomiyaha ku guulaystay Cabdirashiid Yuusuf.

waa guddoomiyihii labaad oo mudo 10 bilood ah oo ay xukuumada Puntland jirtay ladoorto,iyadoo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Cabdixakiin DooboDaareed uu ku adkaysanayo in uu wali yahay guddoomiyihii baarlamanka.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Cabdirashiid Abwaan oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland”

  1. NuurkaNederland

    WAXAAN U ARKAA TUUL REERKIISA LOO SAMAYSTAY IN LAGU KARBAASHO OO NIN SAMAYSTEY,LEEYAHAY.WUXUU DOONANA KU RITO KALA BAXO.
    KAN AAN ARKAA WAA ZERO

U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com