Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare): “Ganacasatadii Gobolka Mudug ee Shabaab uga cararay Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa iney soo laabtaan, Gaalkacyo waa Amni”

Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare): “Ganacasatadii Gobolka Mudug ee Shabaab uga cararay Gaalkacyo waxaan ugu baaqayaa iney soo laabtaan, Gaalkacyo waa Amni”

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in amniga guud ee Gobolka Mudug uu yahay xilligaan mid wanaagsan oo la iska haleyn karo kadib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Puntland.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Gobolka Mudug dadka kunool ay hiigsanayaan horumar, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka saaraan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee geysan jiray falalka amni darro, isaga oo qiray inay weli jiraan kuwa yar oo doonaya inay falal amni darro geystaan ayna ka hortagayaan.

Waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada iyo qurba joogta inay dib ugu soo laabtaan Gobolka Mudug ayna maalgashadaan kadib markii sida uu sheegay ay ku guuleysteen amniga Gobolka Mudug kana hortageen kuwa doonaya inay geystaan falal amni darro.

Magaalada Gaalkacyo oo Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com