Cabdilaahi Ceerow: “Annagu ma hayno duufaan soo wajahan, mana garanayno meesha ay ka keentay DFS”

Kadib markii Hay’adda Qaran ee ka digista halis wadareedka ee hoostagta Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibooyinka Xukuumadda Somalia ay shaacisay in Goboo katirsan Puntland ay kusoo wajahan tahay duufaan xoogan ayaa waxaa warkaasi beeniyay Maamulka Puntland.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in waxba kama jiraan ay tahay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceerow) ayaa sheegay in aysan garaneyn halka ay dowladda Soomaliya ka keentay warkaas oo ah mid aan waxba kajirin.

” Annagu ma hayno duufaantaas mana garanayno meesha ay ka keeneen, Waxaan idiin xaqiijinayaa in aysan waxba ka jirin wararkaas isla markaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow.

Puntland ayaa dhowr jeer waxaa degaannadeeda ka dhacay duufaano xoogan oo dhibaatooyin kala duwan geystay, kuwaas oo qaarkood ay hora uga digtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com